Ma ogtahay in wadnaha uu ka hor gaboobi karo jidhka intiisa kale? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma ogtahay in wadnaha uu ka hor gaboobi karo jidhka intiisa kale?
September 20, 2018 - Written by Reporter:

Hay’add laga leeyahay dalka Ingiriiska oo arrintan darasad ku sameeysay ayaa waxay sheegtay Cudurrada wadnaha oo ku dhaca dadka ay da’doodu ka sarreyso 75 jir in 80% laga sii hortagi karo ayna ka yimaaddaan cuntooyinka aan qaadano.

“Cunnooyinka aan caafimaadka u wanaagsaneyn oo aan isticmaalno shantii qofba afar ka mid ah dhimasha ayey u horseedaan” ayey leeyihiin khubarada daraasadda sameeysay.

Wadna

Si ay dadku caafimaadkooda u ilaashadaanna waa iney sigaarka cabbin, cunnooyin isku dheelli tiran oo aan caafimaadka dhibaato u keeneyn ay cunaan, isla-markaana ay sameeyaan jimicsi joogta ah.

Khubaradu waxay intaa ku darayaan dadka ay da’doodu ka sarreyso 30 jirka iney baadhitaan ay ku ogaanayaan wadnahooga inta sana oo uu jiro ay sameeyaan, qalabka lagu ogaado da’da wadnahana waxaa loo yaqaanno heart-age-test.

Baadhitaanka gaarka ah oo wadnaha xaaladdiisa lagu ogaanayo waxay ka qayb qaadanaysaa in cudurrada wadnaha haleeli lahaa laga sii hortago gaar ahaanna cudurrada kediska ah ee wadnaheenna haleeli kara.

Baadhitaankana wuxuu digniin kaa sii siinayaa cudurka wadnaha ee kuugu soo socdo ama aad halista ugu jirto.

Waxayna khubaradu sheegayaan sababaha wadna xanuunka degdegga ah keeni kara iney ka mid yihiin:

   Buurnida (hilibka) saa’idka ah

   Dhiig karka aadka u sarreeya

   iyo qofka oo aan Jimicsi sameyn.

Haddaba sideen caafimaadka wadnaheenna ku ilaashan karnaa?

  1. Ka fogoow cabidda Sigaarka
  2. Ka fogoow cabidda Khamriga
  3. Miisaankaaga ilaali (hilibka iska ilaali)
  4. Cuntooyinka aad isticmaaleysid khudaar ha u badato
  5. Cunnooyinka dufanka leh iska yaree
  6. Ugu yaraan maalinti dhowr jeer khudaarta isticmaal
  7. Cusbada iska yaree
  8. Kalluunka badso
  9. Cunnooyinka sijilka ah (xidhan) ee warshadaha soo mara isticmaalkooda yaree.

Khubarada daraasadda sameeysay waxaa kale oo ay sheegeen inta ay baadhitaanka ku guda jireen dad gaadhaya 2 milyan oo qof oo baadhitaan sameeyey in 78% ka mid ah wadnahooda uu da’da ay jiraan uu ka hor gaboobay.

34% dadkaasi wadnahooda 5 sana ayuu ka weyn yahay, halka 10% uu wadnahoodu uu ka weyn yahay 10 sano.

Dalka Britain oo keli ah sanad walba waxaa wadna xanuun ugu dhinta 84,000 oo qof.

 

COMMENTS
LINKS