Natiijooyinka Tartanka Champions League | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijooyinka Tartanka Champions League
September 20, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada Yurub ee Real Madrid ayaa xalay guul ku bilowday kulankeedi ugu horreeyay ee koobka horyaalada Yurub ee sannadkaan, kadib marki ay 3-0 ku dardartay kooxda Roma.

Goolasha waxaa Real u saxeexay Isco oo goolka 1-aad daah-furay isla markaana ka toogtay shabaga Roma fogaan dhan 25 tallaabo.

Goolka labaad waxaa dhaliyay Gareth Bale qeybtii labaad ee ciyaarta halka goolka saddexaadna uu kusoo xidhay Mariano Diaz dhamaadki ciyaarta.

Real iyada ayaa hadda ugu sarreysa Group-ka H, kadib marki ay bar bar dhac 2-2 ah isku mari waayeen kooxaha Viktoria Plzen iyo CSKA Moscow.

Waxaa iyana guul muhim ah kala soo laabatay dalka Spain kooxda Juventus oo ka mid ah kooxaha loo saadaalinayo in ay xilli ciyaareedkan qaadaan tartanka Yurub, kadib marki ay 2-0 uga soo badiyeen kooxda Valenica.

Ciyaartan ayaa waxaa hareeyay  kaadha casaanka ah oo loo taagay xidiga cusub ee Juventus Cristiano Ronaldo oo garoonka laga saaray daqiiqadii 29-aad.

Ronaldo ayaa timaha ka taabtay ciyaaryhanka difaaca uga ciyaara kooxda Valencia Jeison Murillo kaddib marki uu dhulka isku riday. Waxaa laga yaabaa in uu seego kulamada soo socda ee Juve ee horyaalka Yurub.
Kooxda Juventus waxay sheegtay in ay racfaan ka qaada doonto arrintani.

Ciyaarihi kale ee xalay dhacay iyo kuwi habeen hore ayay kooxuhu isu arkeen sidan:
Champions League – Group E September 19

Ajax 3 – 0 AEK Athens

Benfica 0 – 2 Bayern Munich

Champions League – Group F September 19

Shakhtar Donetsk 2 – 2 Hoffenheim

Manchester City 1 – 2 Lyon

Champions League – Group G September 19

Real Madrid 3 – 0 Roma

Viktoria Plzen 2 – 2 CSKA Moscow

Champions League – Group H September 19

Valencia 0 – 2 Juventus

Young Boys 0 – 3 Manchester United.

Kuwi habeen hore dhacay, waxay kooxuhu u kala badiyeen sidan:

Group A

Club Brugge 0 – 1 Borussia Dortmund

Monaco 1 – 2 Atletico Madrid

Champions League – Group B September 18

Barcelona 4 – 0 PSV Eindhoven

Inter 2 – 1 Tottenham Hotspur

Champions League – Group C September 18

FK Crvena Zvezda 0 – 0 Napoli

Liverpool 3 – 2 Paris Saint Germain

Champions League – Group D September 18

Galatasaray 3 – 0 Lokomotiv Moscow

Schalke 04 1 – 1 Porto

 

COMMENTS
LINKS