Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo OGAYSIIS Muhiim Ah Udirtay Ardayda Dhamaysatay Fasalada 8aad, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasaarada Waxbarashada Jsl Oo OGAYSIIS Muhiim Ah Udirtay Ardayda Dhamaysatay Fasalada 8aad,
September 20, 2018 - Written by Editor:

OGAYSIIS;

(MOE&S-MEDIA OFFICE 19/9/2018). Wasaarada Waxbarashadda iyo Saynisku waxay ku wargelinaysaa dhammaan ardaydayda danaynaysa ee haysta darjada (dhibcaha) ugu sareeya ee fasalada 8-aad ee dalka in la qaadi doono imtixaankii lagu galayey dugsiga sare ee SOS (Sheekh), kaasi oo ay qaadi doonaan dugsiga SOS, waxana imtixaankaasi dhici doonaa  maalinta khamiista ee ay taariikhdu ku beegan tahay;  27/9/2018-ka,

ogaysiis22

Waxana imtixaankaa lagu geli doonaa dugsiga H/Dhexe ee Sheekh Madar (EX- Xuseen Giire). Imtixaankan maadooyinka lagu qaadayaa waxay noqon doonaan; Saynis iyo xisaab. Sidaa darteed waxa lagu adkaynayaa ardayda danaynaysa ee haysta darajooyinka loo baahan yahay in ay wakhtiga ilaaliyaan.

COMMENTS
LINKS