Indhaha Shacabku Waxay Eegayaan Laba Arrimood Sida Uu U Xaliyo Madaxweyne Muuse Biixi! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Indhaha Shacabku Waxay Eegayaan Laba Arrimood Sida Uu U Xaliyo Madaxweyne Muuse Biixi!
September 20, 2018 - Written by Editor:

Madaxweyne Muuse Biixi waxa hor yaalla laba arrimood oo si toos ah u taabanaya shacabka, taas oo laga qiyaasi karo sida uu ula socdo dareenka dadweynaha iyo falcelinta uu ka muujiyo.

Labadan qodob waa kuwo doodo ka dhex furey dadweynaha dhexdooda, kacdoon badanna dhalinkarta hadii aan xal deg deg ah loo helin, taas oo hoos u dhigaysa taageeradii dadkii soo doortay u hayeen.

Qodobka kowaad waa xeerkan kufsiga ee laga qayliyey ee Golaha Wakiiladdu usoo tahriibiyey madaxweynaha, isla markaana uu madaxweynuhu dhaqangaliyey. Dhawr jeer waxa ka hadlay golaha Guurtidda oo sheegay in xeerkaasi ka hor Imanayo shareecada islaamka,isla markaana kii ay wax ka bedeleen aanay qaadan ee ay ku saleeyeen diinta islaamka inta laga tagay kii wax ka sida ahaayeen loo gudbiyey madaxweynaha.

Marka dadweynuhu waxay isha ku hayaan xeerkaasi waxa uu madaxweynuhu ku xaliyo iyo sida uu ka yeeli doonno dhawaaqa Dadka.

Qodobka labaad waxa weeyi Wasiirka Maaliyadda oo tacriifad Aanu golaha Wakiiladu Jideen iska soo saaray, taas oo golihii Wakiilada iyo shacabkiiba Aad uga qayliyey.

Shacabku waxay ku doodayeen in aanay awoodi Karin lacagta badan ee numbarka la siinayo, halka golaha Wakiiladu ku dooday in sharci daro tahay in tacriifad la iska kordhiyo aanu goluhu ansixin.

Khaladka kale meesha ku jira ayaa ah ninka gaadhigii uu watay ee hore usoo bixiyey cashuurtii sumadda ee mar labaad lagu qasbayo inuu numbarka cusub iibsado oo waliba qiimo qaali ah ku iibsado taas oo ah lixdan dollar, taasi waa dulmi aanay shacabku mutaysan in lagu qasbo numbar hore u cashuurteen inay mar kale lacag siyaado ah ku cashuurtaan.

Waxa kale oo la yaab ah in hore gaadhiga lala soo dego cashuurtiisi la kordhiyey, hadana mar labaad shan jibaar la kordhiyey numbarka gaadhiga lagu xidhayo, hore waxa numbarka gaadhiga lagu xidhayo marka uu cusub yahay ahaaa 285,000 SHSL, imika waxa laga dhigay hal milyan oo Somaliland Shiling.

Marka la doonayo in wax la kordhiyo waxa la qiimeeyaa waxay dadku awoodi karaan laakiin hal mar todoba jeer ku libin laab cashuurtii hore u jirtay waa arin dadnimada iyo dawladnimada ceeb ku ah.

Haddii dakhliga ina soo galla si fiican loo hagaajiyo ayaa inaga badnaanaysa in dadka cashuuro cusub lagu soo kordhiyo, hadii xukuuumadii timaadaba cashuuur kordhiso sow dawladnimadaba dadku nici maayaan,horta aynu illaalino meelaha dakhliga inaga soo gallo, ka dibna aynu ka fikirno meelo kale oo dhaqaaale ka samayn lahayn, laakiin masuuliyad maaha in mar walba cashuur xad dhaaf ah la kordhiyo, hadhowna lagu faanno miisaaniyadda ka badan tii ka horeysay.

Qalinkii; Barkhad-ladiif Maxamed Cumar

COMMENTS
LINKS