WAJAALE NEWS

Wargayska Indian Ocean Oo Warbixin Xasaasiya ka Qoray Xaqiiqada Heshiis Somaliland la Gashay Bangi Un Maxtor Bank. Iyo Tayada Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Biixi.

HARGAYSA(W,N)Wargayska Indian Ocean Newspaper(Africaintelligence.com) oo kasoo baxa dalka faransiiska ayaa 14 bishan warbixin ka qoray hashiis ay dhawaan wasaarada maalgashiga somaliland la gashay  Bank Un Maxtor Bank. Kaasi oo ku kacayay 1 Hal billion.

Sidoo kale Warbixinta ayaa lagaga hadlay Tayo Darada Wasiirada Xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi  oo xiligan la Tacaalaya  faro galin ba,an oo ay ku hayaan  sirdoonka Muqdisho .

Halkan Kaga Bogo Warbixintan Oo aanu idiin Soo Turjunay Iyo Xogaha ay Xanbaarsan Tahay.

“Golaha Wasiirada ee xukuumada madaxwayne Muuse Biixi Cabdi (MBC), oo intooda badan ah kuwo socod-barad ku ah siyaasada Isla markaana aan lahayn waayo-aragnimo iyo saamayn midnaba ayaa u muuqda ku la il-daran la tacaalida shirkado shisheeye iyo hawlo basaasnimo.

Warar aan ku helnay ilo-wareedyo aanu leenahay ayaa sheegaya in Wasiirka Maalgashiga, mudane Maxamed Axmed Maxamuud, in uu heshiis is-afgarad la saxeexday shirkad/Bangi la magac baxday UN MAXTOR BANK. Heshiiska ayaa la sheegay inuu ku kacayo 1 Bilyan oo dollar oo la gelinayo dalxiiska iyo Tacliinta sare.Wasiirka ayaan hubin shirkada jiritaankeeda ka hor intaanu la saxeexan wax heshiis ah. Waxaa Soo baxay oo xukuumadii heshiiska la gashay lafteeda u cadaatay in Shirkada/bangigu uu tahay mid aan jirinba (oo Jiifoo-jaq ah).

Xogo Uu Wargeyskan INDIAN OCEAN uu si gaar ah u helay ayaa sheegay in raysal wasaaraha FEDERAALKA Somaliya  Xasan Cali Khayre uu wado dedaalo uu ku doonayo in laga daba-tago heshiisyada kale ee SOMALILAND hore u gashay lana baadho.

Waxaa iyaduna jirta in Madaxwayne Muuse Biixi laftiisa ay toos ula socdaan hawlihiisa sirdoonka muqdisho. KU xigeenka Agaasimaha Fulinta ee Sirdoonka SOMALILAND, Faysal Guhaad, ayaa aad loogu tuhunsan tahay inuu yahay masuulka Hay’adda Sirdoonka Somaliya ee NISA siiya xogaha iyo siraha SOMALILAND Isla markaana si toos ah xidhiidh joogto ah ula leh Raysa-wasaare K/Xigeenka Xukuumada FEDERAALKA Somaliya, Mudane Khadar Guuleed. Daba-yaaqadii Bishii hore ee Ogoosto ayuu Faysal Guhaad magaalada Nayroobi ee dalka Kiiniya kulan qarsoodi ah kula yeesha dhigiisa Somaliya Fahad Yaasiin. Wararka uu siiyay waxaa ka mid ah in Muuse Biixi madaxda dhaqanka SOMALILAND u dirayo Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya (DDSI) si ay uga qaybgalaan dhismaha maamulka DDSI loo wado. iyo in jabhad hubaysani oo beesha Garxajis ahi ku kacsan tahay Xukuumada MBC.

 

HALKAN KA EEG WARKAN OO INGIRIISI AH.https://www.africaintelligence.com/ion/corridors-of-power/2018/09/14/a-weakened-government-under-somalian-surveillance,108323650-art

 

XIGASHO INDIAN OCEAN NEWSPAPER.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

Exit mobile version