Hadalkii Cabdiweli Cali Gaas Ee Bay Iyo Bakool Oo Dood Kulul ka Dhaliyay Baraha Bulshada Iyo Jawaabaha Masuuliyiinta, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hadalkii Cabdiweli Cali Gaas Ee Bay Iyo Bakool Oo Dood Kulul ka Dhaliyay Baraha Bulshada Iyo Jawaabaha Masuuliyiinta,
September 21, 2018 - Written by Editor:

Hargaysa(W,N ) Baraha ay bulshada ku wada xiriirto ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa si weyn la isula dhexmarayay dood kulul oo ka dhalatay hadal uu jeediyay madaxweynaha maamul goboleedka Puntland, Cabdiweli Cali Gaas.

Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo shalay oo Khamiis aheyd ka hadlayay magaalada Badhan ayaa waxa uu jeediyay hadalkaasi doodda badan uu ka dhashay.

Waxa uu Cabdiweli Cali Gaas yiri “Wiil ka yimid Xudur, Diinsoor iyo Buurhakaba, oo kaba dacas ah qaba inuu inta idiin yimaado nagu xukumo dalkayagii, suurtagal ma ahan, caqlina ma ahan, lamana yeeli karo.”

Madaxweynaha Puntland oo u muuqanayay inuu ka hadlayay dagaalyahannada Shabaab ee ku jira buuraleyda Galgala ayaa inta uusan hadalkaas oran waxa uu yiri “Intaas oo ciidan ahna waa ay nala joogaan xoogaa Shabaab ahna waa naga haystaan Galgala caqli ma ahan.”

“Waxaan rabnaa inaan ku dareerno dhammaanteen annagoo wadasoconna, been idiin sheegi mayee dumarka Badhan joogaa haddii ay berito ku dareeraan Galgala ayagaa Shabaab ku filan oo ka saaraya.” ayuu yiri Cabdiweli Cali Gaas.

Hadalkaa hore ee Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Cali Gaas, ayaa waxaa si kulul uga jawaabay Xildhibaan Idiris Cabdi Axmed Takhtar oo ka tirsan baarlamaanka Federaalka ee Soomaaliya kana soo jeeda deegaannada Bay iyo Bakool ee hoos taga maamulka Koonfur Galbeed.

Xildhibaan Idiris Takhtar oo fariin uu soo duubay soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayaa waxa uu sheegay in arrintaas laga haboonaa isagoo yiri “Waxaan u sheegayaa in nin mas’uul ah uu hadalkaas ka soo yeero ma ahan, in deegaan gaar ah dad ka soo jeeda uu wax ka sheego ma ahan, oo haddana uu dhaho dadkaas oo dacas wato, hadalladaas kuma haboona inuu ku hadlo nin mas’uul ah marka waxaan rabaa inaan ninkaas u sheego waa khaladaadkii saddexaad, afraad ee uu galaayo waaye.”

“Intii uu xilka Puntland hayay ninkaas waxa uu xiray dad aan waxba galabsan oo ganacsato ah oo uu ku shaabadeeyo inay Shabaab yihiin, oo khaladaad badan uu dadkaas ka soo galay, aniga hadda waxaanba u malaynayaa inuu xalaalaysan rabo hantidooda. Dadka ka soo jeeda Koonfur Galbeed waa dadka ganacsiga ugu badan ku leh deegaankaas Puntland.” ayuu yiri Idiris Takhtar

Waxa uu Xildhibaan Idiris intaasi ku daray “Ma haboonayn in ninkaas oo mas’uul ah oo hadda ka horna ra’iisul wasaare soo noqday inuu marwalbaba afkiisa uu ku aflagaadeeyo qowmiyad dhan oo jirta.”

Intaas kuma uusan hakan Xildhibaan Idiris Takhtar ee waxa uu Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Cali Gaas ka dalbaday inuu raali gelin ka bixiyo “hadalada qadafka ee ka soo yeeray, waayo waa markii saddexaad ee uu ku dhawaaqo hadal cunsiriyad iyo inuu baneeysto hantida dadka ladeggan ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed.” ayuu ku qoray bartiisa Facebook-ga.

Doodda iyo erayada kulul ee la is dhaafsanayo intaa kuma aanay ekaan ee waxaa ka qeyb galay dad badan oo magac leh, oo uu ka mid yahay wasiir ku xigeenka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Xildhibaan Aaden Isaaq, oo bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

Waxaa arrintaas dhankiisa durbadiiba si kulal uga jawaabay wasiir ku xigeenka warfaafinta ee Puntland, Cabdirisaaq Cumar Ismaaciil, oo isna bartiisa Facebook-ga soo dhigay:

Dhanka kale isla baraha bulshada ay ku wada xidhiidho waxaa ka bilowday dadaalo lagu qaboojinayo xiisadda ka dhalatay hadalka Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ee sababay in hadallada kulkul ay hawada isu mariyaan qaar ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada Puntland iyo Koonfur Galbeed.

Waxaa ka mid ah dadka arrintaas waday weriye Cabdiweli Ibraahim Garyare oo si gaar ah ula hadlayay labada wasiir ku xigeen ee warfaafineed ee Federaalka iyo Puntland, waxa uu bartiisa ku soo qoray farriintan:

HALKAN KAGA BOGO ARAGTIYAHA LAGA BIXIYAY HADALKII MADAXWAYNE CABDIWALI GAAS IYO DOODAHA KA DHASHAY OO IDAACADA BBCDU SOO BANDHIGTAY;

HALKAN KA AKHRI DOODAN https://www.bbc.com/somali/war-45600352

COMMENTS
LINKS