Dablay Hubaysan Oo Gabadh Ku Dhex Toogtay Gudaha fasalka Jaamacaddii Ay Wax ka Baraneysay Magaalada Muqdisho. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dablay Hubaysan Oo Gabadh Ku Dhex Toogtay Gudaha fasalka Jaamacaddii Ay Wax ka Baraneysay Magaalada Muqdisho.
September 21, 2018 - Written by Editor:

MUQDISHO(W,N) –Kooxo hubeysan ayaa duhur-nimadii maanta gudaha Jaamacada UNISO ku dhax toogtay gabadh Ardey aheyd oo lagu magacaabi jiray Aamina Xusseen Xassan gudaha fasalkii ay wax ka Baraneysay.

Maamulka Jaamacadda ayaa sheegay in dableyda toogashada u geysatay gabadhan oo u muuqday kuwo hayay xog dhameystiran si toosa u abaareen fasalkeeda  iyaga markii ay toogeen kaddib si nabad ah uga tagay goobta.

jaamacada uniso

Lama oga sababta rasmiga ah ee loo toog-tay gabadhan oo la sheegay in ay Jaamacadda ka baran jirtay Kuliyada Shareecadda, waxeyna aheyd gabadha labaad ee fasalka oo ay ku dhiggan jireen  labo gabadh oo kaliya halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Ardeyda ayaa  siweyn uga xumaaday falkan iyo toogashada loo geystay gabadhihii  ay wax ka wada baran jireen Jaamacada ayaa dowladda federaalka ka dalbaday in sida ugu dhaqsiyaha badan loo soo qabto kooxdii dilka geysatay.

Dhawaan ayey aheyd markii gabadh 9 sano jir ah uu toogasho u geysatay askari ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya xili ay la soctay Bas-ka dugsigii ay wax ka baran jirtay ee Hoyga Xamar.

Magaalada Muqdisho maalmihii ugu danbeeyay-ba waxaa ku badnayay dilal dadka siweyn uga fajiciyay habka loo fulinayo iyo dadka lagu beegsanayo intaba, waana arin naxdin ku ah guud ahaanba ardeyda wax ka barata Jaamacada Muqdisho falkan maanta gudaha fasalkeeda loogu dhax-toogtay marxuumad Aamina.

WAJAALENEWS DESK

COMMENTS
LINKS