“Saddex Kooxood Ayaa II soo Baxay!!! Aan Ka Badheedho Qolada Aan Ahay!!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Saddex Kooxood Ayaa II soo Baxay!!! Aan Ka Badheedho Qolada Aan Ahay!!Prof Cabdi Cali.
September 21, 2018 - Written by Editor:

Kooxda hore geeridii nabiga ma oga oo warba kama hayaan afkaaraha caalamka la isku hayo; kooxna waabay badheedhaysaa oo waa koox aaminsan fikirka bilaa dhaqanka ah ee bilaa dabarka ah (extremely liberal); labada kooxood ba way taageersan yihiin xeerka kufsiga; Kooxda saddexaad waa kooxda diidan xeerka.

Kooxda aan waxba ogeyn, kama warhayaan in xeerka kufsiga ee la ina dhexmariyay, la inagu shaambadeeyey arrimo aynaan gayin innagoo ah mujtamac muslin, kana mid ah waliba kuwa ugu adag dhaqanka iy diinta. Kooxdani waxay ku eedeeyaan dadka xeerka ka soo horjeeda in aanay dan ka lahayn tacadiga ku dhacaya haweenka; xaasha; annagaa kaaga lexejeclo badan ee fadlan waxba ha is xigsiinnina haweenka; sidana haweenka waxba ugu maydaan tarin, ee haweenkii, dhaqankii iyo diintiinii ayaa wax wayn yeesheen. Kooxdani waxa laga yaabaa in dan mashruuc ugu jirto xeerka ama ay yihiin dad iska daacad ah; Ciqaabta ugu adag ayaan la jecelahay qofka falkaas foosha xun ku kaca; laakiin aan ku heshiino marka hore qeexidaha (definition of sex and definition of family), which is very controversial even among the westerens.

Maanta haddii aad sharicyaysay qeexda galmada, oo aad tidhi waa marka qof u tago qof kale, ma ogtahay inaad ogolaatay qeexda qoyska ee xataa gaaladu isku hayaan, taasoo odhanaysa qoys waa laba qof oo kasta oo guri kuwada nool, oo ku heshiis ah in ay sameeyaan xidhiidh jinsi ah (sex). Kalmadda laba qof, xataa waxay noqon kartaa laba nin ama laba dumar ah. Xataa gaalada kuwooda muxaafidka ahi, arrintaa gaashaanka ayay ku dhufteen, waxanay yidhaadeen: Waar illa Xaawa iyo Aadan, qoys wuxu ahaa nin iyo qof dumar ah ee naga joogiya waxaad wadaan!!!!

Kooxda labaad ee aan arkay intii doodani socotay, waxa weeye koox iyagu og afkaaraha caalamku isku hayo iyo halka wax marayaan, laakiin kooxdani way badheedhaysaa; waxanse la yaabay sideebaa qof muslin ah oo Somali ah uu fikir ahaan u noqon karaa mid aaminsan fikirka ay diideen xataa gaalada kuwooda muxaafidka ahi. Markaa qofka ceynkaas ahi, ama ha is ogaado ama yaanu is ogaane, wuxu ka baxay Somalinimadii iyo xeradii weynayd ee dhaqanka; ma odhan karo diintii ayuu ka baxay!!! waxa malaha innaga dhexeeyaa waa diirka iyo af-somaliga uu ku hadlayo oo kaliya!!!!

Labada kooxood ee sare, inkastoo aynu arkayno in ayna isku afkaar ahayn, haddana, waxay labada kooxood ba taageersan yihiin Xeerka Kufsiga ee dhawaan la ansixiyay!!

Kooxda saddexaad, waa kooxda ka soo horjeeda xeerkan; waxayse u sii qaybsamaan koox dhaqan ahaan iyo diin ahaan uga soo horjeedda xeerka iyo koox diin ahaan kaliya uga soo horjeeda. Anigu waxan ka mid ahay kuwa dhaqan ahaan iyo diin ahaan uga soo horjeeda; kuwa diin ahaan kaliya uga soo horjeeda iyaga laftooda qiimo lama laha dhaqanka Somaliga ahi; kaasoo sir iyo caadba aan ogolaan karin fawaaxishka uu xambaarsan yahay xeerkani; si kale haddaan u dhigo qoladan danbe waa qolo iska carabawday oo iyaga laftoodu ka baxay dhaqanka Somaliga ah, sida kooxda labaad ee badheedhaysaa uga baxeen dhaqanka Somaliga ah; markaa halkaas bay iska shabbahaan; nasiib wanaag way ka soo horjeedaan fawaaxishka, laakiin sida kooxda hore u reer galbeedoobeen ayay kuwana u caraboobeen!!!

Qolo afraad ayaa jirta, laakin kuwaasi qiimo kuma laha caalamka afkaarta; waa kuwa uga soo horjeeda mucraadnimo ama ku taageersan muxaafidnimo.

QALINKII Prof Cabdi Cali Jaamac ; u dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga

COMMENTS
LINKS