Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inaanay Aqoonsanayn In Dalkeeda Lagu Galo Baasaboorka Soomaaliya Iyo Sobobta! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladda Ingiriiska Oo Sheegtay Inaanay Aqoonsanayn In Dalkeeda Lagu Galo Baasaboorka Soomaaliya Iyo Sobobta!
September 22, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Dawladda Ingiriiska ayaa sheegtay inaanay wakhtigan aqoonsanayn in dalkeeda lagu galo Baasaboorka Soomaaliga ee dawladda Soomaaliya.

1-78-300x190

Caroline Nokes, oo ah Wasiirka socdaalka ee Ingiriiska oo toddobaadkan dhammaaday su’aalo lagu weydiiyay aqalka Baarlamaanka Ingiriiska, ayaa waxa la weydiyay su’aal ahayd sababta ay dawladda UK dadka Soomaaliya ugu ogolaan weyday inay Baasaaboorka Soomaaliya ku tagaan Ingiriiska, ayaa waxay sheegtay inaanu Ingiriisku wakhti xaadirkan aqoonsanayn Baasaaboor Soomaaliga, waxaanay ku jawaabtay wasiiradu “Ingiriisku hadda ma aqoonsana in Baasaaboorka Soomaaliya loogu socdaalo dalka Ingiriiska. Hase yeeshee, waxaanu dejinay talaabooyin lagu hubinayo in dadka sita Baasaaboorka Soomaaliga ee leh degenaanshaha sharciga ah ee  isha bu’da laga sawiro  ee UK in loo ogolyahay inay ku soo laabtaan Ingiriiska.”

Waxay wasiiradu sheegtay inay qorshahan ku wargeliyeen diyaaradaha iyo maraakiibta ay dadku raacaan, “Waxaanan ku wargelinayn duulimaadyada caalamiga ah hab macaamilkan, waxaanan la wadaagnay xogtan wakiilada bulshada Soomaalida.” Ayay tidhi.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

XIGASHO GEESKA

 

COMMENTS
LINKS