WAJAALE NEWS

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Weeraray Goob Ay Isku Urursanayeen koox Maleeshiyo Ahi Iyo Khasaaraha Ka Dhashay.

Ceergaabo(W,N) Ciidamada Qaranka Somaliland Ee ku Sugan Gobolka sanaag ayaa galabta Weerar ku qaaday  Deegaanka Buuralayda ah haldhaagan Oo 40kilomitir u jirta magaalada ceergaabo taasi oo ay ku sugnaayeen koox maleeshiyo ah oo uu watay Jamaal Baaxo oo dhawaan ka goostay ciidanka qaranka sheegayna in uu taabaxsan yahay col Caare .

Ciidamada qaranka iyo kooxdan maleeshiyada ah ayaa dagaal dhex maray kaasi oo sobobay khasaare Aan wali la shaacin inta uu leeg yahay

Wararka Aanu ka helayno Gobolka sanaag iyo Dagaalkan ayaa sheegaya in ciidanka somaliland  maleeshiyadan ka qabsadeen gaadhi Dagaal iyo Gaadhi Ambalaas ah kaasi oo ay hore u afduubeen kooxdani.

Sidoo kale wararka ayaa intaa ku daray in ciidanka qaranka somlailand ku hareeraysan yihiin  Goobta ay ku jiraan kooxdan uu hogaaminayay taliye jamaal Baaxo.

Xukuumada somaliland ayaa wali ka hadal dagaalkan iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu sobobay

Wixii kasoo kordha kala soco wararka danbe

Wajaalenews desk

Ceergaabo office

Exit mobile version