“Wadaadada Sebenku Saw Ikhwaaniyiin Mahaa! Saw Al Islaam Al Siyaasi Maaha? Saw Xukun Iyo Lacag Doon Maaha”, Cali Guray. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Wadaadada Sebenku Saw Ikhwaaniyiin Mahaa! Saw Al Islaam Al Siyaasi Maaha? Saw Xukun Iyo Lacag Doon Maaha”, Cali Guray.
September 22, 2018 - Written by Editor:

Wadaadada sebenka iyo Cali gurey weligood arin isku mawqif kamay noqon xeerkan ka hor. Kanna iyagu qodobo ayaa laga yaabaa inay ku diidan yihiin ay leeyihiin diinta ma waafaqsana aniguna mabda’ ayaan kaga soo horjeedaa oo xeerku waxan qabaa inu inaga iyo baahideena iyo dhibaatooyinkeena ka dhasho xeer la inoo soo waariday oo cid kale ina leedahay waa u baahan tihiine qaata waxa su,aasha hortayda taalaa ay tahay “horta adiga iyo anigu isku siba ma u naalaa”. Aniga qulyaa ayuhal kaafiroon baa xad noo ah ka aan muslinka ahayn.

Wadaadada sebenku saw Ikhwaaniyiin mahaa? Saw Al Islaam Al siyaasi maaha? saw xukun iyo lacag doon maaha?, waxaasoo dhamina saw aduunyo jacayl maaha?

Kama rogo anigu waxan ka xidhay markay wax aan Alluhu xaaraamaynin iyagu xaaraameeyeen wax aanu xalaalayna ay iyagu xalaashdeen. Kol haduu lillaahda ka baxo leexay dabadeed. Dunida Islaamku Wahaabiyadda guntaa la soo taabtay waxooduna maaha lillahi shareecadana ha laysku xukumo laakiin dadkeedii horta waa in la helaa aqoonteediina waa in la helaa markaa si la isku xukumo oo ka fiican sidii uu Ilaahay yidhi isu xukuma ma jiro. Laakiin cid wax u xukuntay oo la isla ogol yahay Nebi Muxammed dabadii 4tii Khulafaa u raashidiinta waxa shaneeyay Cumar bin Cabdicaziis ee meelna dunida Islaamka ma lagu hayaa isagoo kale? Waa mayaa waxa la hayaa Iran iyo Sucuudiga.

Siyaasi Cali Maxamed Yuusuf (Cali Guray)

COMMENTS
LINKS