“Xeerka Kufsiga Ilaa Hada Inta Iiga Baxday Laba koox Oo Xagjiriin ah Oo Qoloba Dhinac Tahay Baa Isku Hirdiyaya” Sahra Ciidle. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Xeerka Kufsiga Ilaa Hada Inta Iiga Baxday Laba koox Oo Xagjiriin ah Oo Qoloba Dhinac Tahay Baa Isku Hirdiyaya” Sahra Ciidle.
September 22, 2018 - Written by Editor:

Xeerka Kufsiga ilaa hada inta iiga baxday laba koox oo xagjiriin ah oo qoloba dhinac tahay baa isku hirdiyaya, Markaan labada dhinac ba wararka ay warbaaninta mariyeen aan dhegaystay koox kasta Doodeedu way Jaban tahay, waxana ku jira qodobo is khilaafsan oo ay Cuskanayaan Iyaga oo is leh xoojiya Dhankiina.

sahra ciidle

Hadii la rabo in si ka Madax banan labada dhinac ee xag jiriinta ah ee ku murmaya xeerkan loo daraaseeyo oo wixii daraasadaa ka soo baxa lagu saleeyo wax ka bedelka iyo kaabista waa in Horta la is waydiiyaa si”aalo ay kuwan iyo kuwo kaleba ka mid yihiin.

1- ma jiraa kufsi, ama Xad gudub Jinsi?

2- yaa u badan dadka la kufsado, Dunbar, caruur yar yar/Gabdho iyo wiilal?

3- ilaa xadkee ayaa kufsi loo aqoonsan yahay ? Ma jiraa wax u Dhexeeya Kufsi iyo isku day Kufsi?

4- side lagu cadayn Kara Marka Kufsi dhacay?

5- Qofka la kufsaday maxaa magdhow iyo dabiib ah ee xeerku u ogolyahay ?

6- qofkii wax kufsaday maxaa lagu ciqaabayaa?

7- maxaa u dhexeeya Kufsi iyo Sino?

8- xeerka Sinada ma agu xukumi Kara qofka wax kufsaday?

9- Hadii gabadhu xanuun, Daal, xaalad nafsi ah ama Sabab kaleba ay uga cudur daarato waajibka ninkeeda, is na uu fahmi waayo oo uu xoogo ma loo aqoonsanayaa Kufsi? Oo side lagu xaqiijinayaa ?

10- hore ma u dhacday dhibaato ka timid lamaane is qaba oo ninku intu gabadhiisa xoogay ay dhibaato Physically ama mentally u soo gaadhay?

11- dhakhaatiirta ama culimada Nafsigu ma sheegeen dhibaato ka timaada hadii arimahaasi dhacaan?

12- Kufsiga loo gaysto Carrruurta yar yar iyo Dumarka waawayn, ciqaabtooda ma jiraa wax loo dhexaysiin karo mise waa isku mid?

13- Kufsigu ma ka dhacaa ama ma ka dhici Kara meel ay 4 Markhaati oo wada rag ahi joogaan ? Mise waa fal dambiyeed lagula kacay qof kale oo meel gabaad ah ama qarsoon lagula dhuuntay?

14- door ma ku leeyihiin dumarku in Kufsi dhaco?

15- Marka laga yinaado xeerka Sinada ee diintu jidaysay, ma jiraa xeer Kufsiga si gaar ah ugu soo arooray oo Diini ah?

 Su’aalahaa iyo in ka sii badan oo la is waydiiyo Lana falanqeeyo iyada oo lagu salaynayo waaqaca jira iyo dhibaatoiyka bulshada ka dhex dhaca ayaa xeer laga Samayn Karaa iyada oo aan la qaadan xeer ka yimi Reer galbeed ama mid Carab laga keenay.

This is my personal opinion, agree or disagree, Comment, suggestion you are welcome .

Qalinkii;  Sahra Ciidle Nuur

 

COMMENTS
LINKS