Shaqaalaha DDSI oo Mushahar La’aan Bahsani Soo Food Saartay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shaqaalaha DDSI oo Mushahar La’aan Bahsani Soo Food Saartay
September 23, 2018 - Written by Reporter:

Jig Jiga (WJN)- Shaqaalaha dawlad deegaanka Soomaalida ayaan wax mushahar ah qaadanin labadii bilood ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen mas’uul sare oo ka tirsan wasaaradda maaliyadda iyo shaqaale aan mushaar qaadaninba.

Shaqaalaha magaalada Jig Jiga ayaa iyagu qaatay mushaar hal bil ah, wararkuna waxay sheegayaan in bil kale ay wali ka maqan tahay.

Daganaansho la’aantii siyaasadeed iyo isbaddalkii baaxadda lahaa ee ka dhacay Jigjiga ayaa horseeday in ay hawlgab noqdaan inta badan wasaaradihii iyo adeegyadii ay bixin jireen. Mushaar la’aanta ayaa saamayn baaxad leh ku yeelatay shaqaale hoosaadka.

“Waxaan ahay aabo dhalay toddobo carruur ah, mushaar ma qaadanin labo bilood, maciishaddii way qaaliyowday, labo ciidood ayaa na soo maray, marka nolosha ayaan la daalaa dhacaynaa” ayuu yidhi Cabdiraxman Axmed oo Caamir ku magac dheer oo bare ka ah magaalada Shaygoosh ee gobolka Qoraxay.

Wasaaradda waxbarashada ee dawlad deegaanka ayaa labada bilood ee ugu dambeeya sannadka dalka Itoobiya macallimiinta siisa waxbarasho bilaash oo ay bixiyaan koleejyada iyo jaamacadaha Itoobiya si sare loogu qaado aqoontooda.

Sidaas daraadeed macallimiinta gobollada ayay mushaar la’aantu saamaynta ugu badan ku yeelatay, sababtuna waxay tahay in dhammaantood waxbarasho loo geeyay meel ka baxsan goobihii ay ka shaqaynayeen. “Soomaalidu waa dad iska firfircoon oo badankood way soo laabteen nin ehelkiisu ay gacan qabteen iyo mid si kale ku yimaadaba, haddase waxaa adag sidii loo hawlgalin lahaa maadaama ay qatan yihiin, ayuu yidhi macalin Caamir.

Waxaa jira warar aad loo hadal hayo oo sheegaya in mushahar la siiyay macallimiintii aan Soomaalida ahayn ee deegaanka ka shaqaynayay, balse lama xaqiijin karo.

Waxaa hadda la joogaa xilligii iskuulladu ay dib u furmayeen waxaana laga cabsi qabaa in mushaar la’aantu ay saamayso waxbrashada sannad dugsiyeedka dalka Itoobiya ee 2011 oo hadda uun billawday, iyadoo haddii aan mushahar loo helin macallimiinta laga cabsi qabo inay iskuullada tegi waayaan. “Waxaan ogahay macallin guryaha dhisa si uu nolol maalmeed uga raadsado” ayuu Caamir intaas ku sii daray.

“In shaa Allaah waxaan rajaynaynaa in xukuummadu ay soo dadajiso xalka” ayuu yidhi caamir oo ka garawsan baaxadda uu lahaa isbadalka deegaanka ka dhacay iyo culayska xukuumadda cusub haysta.

 

COMMENTS
LINKS