Iiraan oo weerar askar kaga dhinteen ku eedeysay dalalka gacanka Carbeed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Iiraan oo weerar askar kaga dhinteen ku eedeysay dalalka gacanka Carbeed
September 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) –Dowladda Iiraan ayaa ku eedeysay dalalka Khaliijka inay ka dambeeyeen weerar ay ku dhinteen ugu yaraan 29 qof oo askar iyo rayid isugu jira.
Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee dalka Iiraan, Ayatollah Cali Khamenei ayaa sheegay in xulafada Marekanka ee gobolka ay isku dayeen inay abuuraan amni-darrada Iiraan, balse hoggaamiyahan ma carab baa’bin waddamada gobolka ee u weerarka la xidhiidhiyay.


Wasiirka arrimaha dibadda Iiraan, Javad Zarif  ayaa isagoon la gaban wuxuu farta ku fiiqay Israa’iil ama waddamada ay xulafada yihiin Marekanka ee gobolka gacanta sida Sacuudiga inay soo hubeeyeen kooxda weerarka gaysatay.

Weerarka waxaa fuliyay rag hubaysan oo rasaas ku furey goob ka taalla magaalada Ahvaz , goobta waxaa ka socday gaado ka cayaar ay  soo bandhigayeen milateriga koonfurgalbeed ee dalka Iiraan.

Koox maxali ah oo asalkoodu Carab yahay oo gooni goosad ah iyo kooxda la baxday dowladda islaamka ayaa labaduba waxay sheegteen mas’uuliyada weerarka.

 

COMMENTS
LINKS