Jaaliyada Sucuudiga Ee Degan Somaliland oo Munaasibad Loogu Dabaal Dagayo Sanad Guurada 88aad Ku Qabtay Hargeysa iyo Masuuliyiin Xukumada Ka Tirsan oo Ka Qayb Galay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jaaliyada Sucuudiga Ee Degan Somaliland oo Munaasibad Loogu Dabaal Dagayo Sanad Guurada 88aad Ku Qabtay Hargeysa iyo Masuuliyiin Xukumada Ka Tirsan oo Ka Qayb Galay
September 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Jaaliyada dalka Sucuudi Arabiya ee degan Somaliland ayaa munaasibad balaadhan oo loogu dabaal dagayo xuska sanad Guurada 88aad Midowga dalka boqortooyada Sucuudiga ku qabtay Magaalada Hargaysa.

Munaasibadan oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxwayne Ku-xigeenka Somaliland, Madaxda asxaabta qaranka iyo masuuliyiin tiro badan oo ka kala socday golaha Wakiilada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Ugu horayna waxaa khudbado la xidhiidha xuska sanad guurada ka jeediyay saraakiil ka socday dalka Sucuudiga oo ka waramay xidhiidhka soo jireenka ahaa ee ka dhexeeya labadan dal.

Xaflad1 xaflad3 xaflad442399300_2088652008129893_7719838818433499136_n

 

 

 

COMMENTS
LINKS