Mareykanka oo beeniyay in uu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay Iiraan | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mareykanka oo beeniyay in uu ku lug lahaa weerarkii ka dhacay Iiraan
September 24, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Dowladda Mareykanka ayaa beenisay eedeeyn uga timid xukuumadda Iiraan oo ahayd in ay ka dambeeyeen weerar ka dhacay dalka Iiraan.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Nikki Haley, ayaa sheegtay in madaxweynaha Iiraan ay tahay “uu muraayadda isku eego ” ka hor inta uusan Mareykanka eedeeyn.

Nikki Haley

Waxa ay intaa ku dartay in madaxweyne Rouhani uu muddo dheer cadaadis ku hayay dadkiisa.

Danjiraha dowladda Mareykanka u fadhida Qaramada Midoobay Nikki Haley, ayaa sheegtay in Mareykanka ay cambaareynayaan weerar walba oo argagixiso balse ay tahay in Iiraan ay hoos isu eegto.

Mrs Haley oo la hadashay telefishinka CNN ayaa sheegtay in dadka reer Iiraaan ay maalin waliba dibadbax dhigaan islamarkana cadaadis lagu hayo.

Hadalka Haley ayaa ka dambeeyay ka dib markii dowladda Iiraan ay ku eedeeysay Mareykanka iyo wadamada gacanka ee xulufad la ah in ay ka dambeeyeen weerarkii lagu qaaday ciidan gaado ka ciyaar samaynayay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee imaaraadka, Anwar Gargash, ayaa dhankiisa eedeeynta Iiraan ku tilmaamay mid aan sal iyo raad lahayn.

Weerarka ka dhacay Ahvaz ayaa waxaa masuuliyadiisa sheegtay ururka IS iyo urur kale ee Ahvaz National Resistance oo ah urur maxali ah oo dalka Iiraan ka jira.

Weerarkii ka dhacay magaalada Ahvaz ayaa waxaa ku dhintay 25 qof oo isugu jira askar iyo dad rayid ah .

 

COMMENTS
LINKS