Maxamed Salaax oo ku guulaystay abaalmarinta Puskas ee Fifa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxamed Salaax oo ku guulaystay abaalmarinta Puskas ee Fifa
September 25, 2018 - Written by Reporter:

Ciyaaryahanka dalka Masar iyo kooxda Liverpool afka hore uga ciyaara ee Maxamed Salaax ayaa ku guulaystay abaalmarinta Puskas oo Fifa ay siiso qofka ugu gool qurux badan ciyaartoyda kubbadda cagta.

Xafladda Salaax lugu gudoon siiyay abaalmarinta ayaa xalay ka dhacday magaalada London.

Goolashii uu Salaax ka dhigay kooxda Everton ee ay ka wada ciyaaraan Horyaalka Ingiriiska ayay taageerayaashu u codeeyeen in uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa.Image result for Mohamed Salah Puskas Fifa

Goolashaas ayuu bishii Disembar ee sannadkii hore ku dhaliyay garoonka Anfield.

Luka Modric oo reer Croatia ayaa noqday ciyaar yahanka ugu wanaagsan, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ku guulaysan jiray ayuu ka faro bixiyay.

 

COMMENTS
LINKS