WAJAALE NEWS

Maxamed Salaax oo ku guulaystay abaalmarinta Puskas ee Fifa

Ciyaaryahanka dalka Masar iyo kooxda Liverpool afka hore uga ciyaara ee Maxamed Salaax ayaa ku guulaystay abaalmarinta Puskas oo Fifa ay siiso qofka ugu gool qurux badan ciyaartoyda kubbadda cagta.

Xafladda Salaax lugu gudoon siiyay abaalmarinta ayaa xalay ka dhacday magaalada London.

Goolashii uu Salaax ka dhigay kooxda Everton ee ay ka wada ciyaaraan Horyaalka Ingiriiska ayay taageerayaashu u codeeyeen in uu ahaa midkii ugu wanaagsanaa.

Goolashaas ayuu bishii Disembar ee sannadkii hore ku dhaliyay garoonka Anfield.

Luka Modric oo reer Croatia ayaa noqday ciyaar yahanka ugu wanaagsan, Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi oo ku guulaysan jiray ayuu ka faro bixiyay.

 

Exit mobile version