Madaxweynaha Turkiga oo taageero u muujiyay Mesut Ozil | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweynaha Turkiga oo taageero u muujiyay Mesut Ozil
September 26, 2018 - Written by Reporter:

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa difaacay Mesut Ozil oo ah ciyaartoy Jarmal ah balse asal ahaan ka soo jeeda Turkiga kaas ee dhaleecayn kala kulmay in uu sawir la galay hoggaamiyaha Turkiga.

Ozil oo 29 jir ah ayaa ciyaaraha qaranka ee kubbadda cagta ka fadhiisatay, isaga oo ku sababeeyay “in la midab takooray ixtiraam darrana looga muujiyay” dalka Jarmalka sawirrada uu galay awgeed.

Jarmal

Balse madaxweyne Erdogan ayaa yidhi “Ma marjinaa ciyaartooygii Jarmal ah ee dalkeena ka ciyaara marka uu sawir la galo Hogaamiye Angela Merkel?”

Erdogan ayaa toddobaadkan booqan doona Jarmalka si uu isugu dayo in uu hagaajiyo calaaqaadka labada dal ee sii xumaanaya.

Erdogan ayaa masuuliyiinta Jarmalka barbar dhigay Nazi-gii bishii March ee sannadkii 2017, hadalkaas gafka ah ayaana ka dambeeyay markii masuuliyiinta Jarmalku ay baajiyeen isu soo baxyo loo qaban lahaa dadka asal ahaan Turkida ah ee dhalashada Jarmalka haysta ka hor aftidii uu ku guulaystay.

Baarliin (Berlin) ayaa sidoo kale Erdogan ku eedaysay hawlgallada ka dhanka ah dadka ka soo horjeeda ka dib afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sannadkii 2016kii.

Muxuu Erdogan yidhi?

Madaxweynaha Turkiga oo waraysi siiyay warbaahinta Funke Mediengruppe ee dalka Jarmalka ayaa sheegay “in aysan jirin wax uu Ozil ka shalaayo”.

Mesut Ozil oo khadka dhexe uga dheela Arsenal iyo Ilkay Gündogan oo Manchester City u ciyaara oo sawirro la galay madaxweynaha bishii May ayaa sheegay “in labadooduba ay gurigooda dareemaan marka laga hadlayo dalka Jarmalka ee ay dhalashadiisa haystaan iyo dalka Turkiga oo faracoodu uu ka soo jeedo”.

Erdogan oo ula jeeda Ozil-na wuxuu yidhi go’aanka uu ciyaaraha kubbadda ee caalamiga ah uga fadhiistay sabab la’aan ma ahayn. Qof kaste oo cunsuriyayntaas iyo caydaas oo kale ay soo wajahdana go’aankaas oo kale ayuu qaadan lahaa.”

Markii Ozil iyo Gündogan ay madaxweynaha Turkiga kula kulmeen magaalada London waxay siiyeen funaanadaha ay ku ciyaaraan oo sixeexan.

Sawirradaasna waxaa markii dambe baahiyay xisbiga madaxweynaha Turkiga ee AK Party ka hor doorashadii madaxweyne nimada Turkiga ee bishii Juune, taas oo Erdogan uu ku guulaystay.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Jarmalka ayaa sheegay in ay u muuqato in labada ciyaartoy ay ayideen murashaxnimadiisa, balse way diideen.

Siduu Ozil u sharaxay go’aanka uu ciyaaraha caalamiga ah uga fadhiistay?

Wuxuu sheegay in loo soo diray waraaqo nacayb ah iyo kuwo hanjabaad ah isla markaasna lagu eedeeyay waji gabixii uu Jarmalku kala soo kulmay Koobkii Kubbadda Cagta ee Adduunka ee sannadkan.

“Markaan guul gaadhno Jarmal baan ahay, balse markaan guuldarraysano soo galooti ayaan ahay,” ayuu yidhi Ozil.

Ozil oo ah jiilkii saddexaad ee Turkida Jarmalka noqday ayaa ku dhashay Gelsenkirchen wuxuuna door muhiim ah ka soo ciyaaray Koobkii Adduunka ee ay ku guulaysteen sannadkii 2014kii.

Wuxuu qaranka Jarmalka u saftay 92 jeer, shan jeer ayuuna ku guulaystay ciyaar yahanka ugu wanaagsan ee xulka qaranka tan iyo sannadkii 2011, waxaana arrintaas u dorrtay taageerayaasha.

Balse Ozil ayaa sheegay in sidii dhawaan loola dhaqmay ay ku qaaday “in uu go’aansado in uusan mar dambe xidhanin funaanadda xulka Jarmalka”.

“Isaga oo qoraal dheer soo dhigay baraha bulshada ayuu sheegay in uu dareemayo in uusan aqbalaad ka helin bulashada Jarmalka inkastoo uu cashuur bixiyo, kaalmeeyo waxyaabaha wanaagsan isla markaasna uu dalkiisa u soo hooyay Koobka Adduunka.

 

COMMENTS
LINKS