Natiijada Ciyaarihii Xalay ee Horyaalka Talyaaniga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Natiijada Ciyaarihii Xalay ee Horyaalka Talyaaniga
September 28, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda AC Milan ayaa ku guuldarreysatay in ay kulankeedi saddexaad oo xidhiidh ah ay badiso horyaalka Serie A-da Talyaaniga, kadib markii ay xalay bar-barro 1- 1 ah la dhaafi weyday Empoli.

Waxay aheyd barbarihii saddexaad oo xidhiidh ah, kadib markii labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay barbarro lasoo gashay kooxda Cagliari iyo Roma.

Ciyaartii xalay, Milan iyada ayaa goolka la hormartay waxaana u dhaliyay ciyaaryahan Lucas Biglia laakin waxaa qeybti danbe ee ciyaarta rikoodhe ku bareejeeyay Francesco Caputo.

Milan

Dhowr fursad oo ay Milan abuurtay si ay gool u dhaliso ayaa waxaa carqaladeeyay goolhayaha Empoli Pietro Terracciano oo noqday laacibkii ugu ciyaarta fiicnaa kulanki Milan iyo Empoli.

Ciyaar kale oo ka tirsan Serie A-da Talyaaniga ayaa waxay Khamiistii dhexmartay Sassuolo iyo SPAL, waxaana 2-0 ay guushu ku raacday kooxda Sassuolo.

Waxaa goolasha u kala dhaliyay Claud Adjapong halka goolka labaadna uu saxeexay Alessandro Matri. Guushaasi ayaa Sassuolo u dirtay kaalinta saddexaad iyada oo urursatay 13 dhibcood.

Waxaa horyaalka hogaamineysa Juventus oo leh 18 dhibic, waxaa ku xigta Napoli oo leh 15 dhibcood.

 

COMMENTS
LINKS