Cristiano Ronaldo oo been abuur ku sheegay kufsiga lagu eedeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cristiano Ronaldo oo been abuur ku sheegay kufsiga lagu eedeeyay
October 1, 2018 - Written by Reporter:

Cristiano Ronaldo ayaa “war been ah” ku sheegay eedaynta ay soo jeedisay gabadha Maraykanka ah ee sheegtay in ciyaaryahanka reer Boortaqiis uu kufsaday 2009.

Ronaldo oo muuqaal soo dhigay Instagram-ka ayaa yidhi “waxay rabaan in ay magac radsadaan iyaga oo magacayga adeegsanaya. Waana wax iska caadi ah.”

Qareennada Ronaldo ayaa sheegay in ay dacwad ku soo oogi doonaan jariidadda Der Spiegel oo markii ugu horraysay tabisay warka eedaynta ah.

Cristiano Ronaldo

Jariidadda ayaa daabacday in Kathryn Mayorga ay sheegtay in Ronaldo oo 33 jir ah uu ku kufsaday huteel ku yaalla Las Vegas.

Mayorga oo 34 jir ah ayaa sheegtay in wax yar ka dib ay dacwad kufsi ka furtay booliiska Las Vegas, sidaadii ay arrintu u dhacdayba.

Sannadkii 2010kiina waxay sheegtay in ay gashay heshiis xeer jajab ah oo lagu siiyay 375,000 oo doolarka Maraykanka ah iyadoo arrintaas uu qayb ka ahaa Ronaldo, lagulana heshiiyay in aysan waligeed bulshada dhexdeeda ku soo hadal qaadin.

Qareenkeeda ayaa hadda isku dayaya in heshiiskaas uu noqdo mid aan waxba ka jirin.

War qoraal ah oo uu soo saaray Christian Schertz oo ah qareenka Ronaldo ayaa lagu sheegay “in soo bandhigidda warka Spiegel uu yahay mid sharci darro ah”.

COMMENTS
LINKS