Ogow sagaal arrimood oo ku saabsan xaqiiqooyinka dayaxa, kuwaa oo aanad hore u ogeyn | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ogow sagaal arrimood oo ku saabsan xaqiiqooyinka dayaxa, kuwaa oo aanad hore u ogeyn
October 1, 2018 - Written by Reporter:

Dayaxa u muuqda iney godad ku dhex yaallaan, dayaxa midabkiisu buluugga yahay, dayaxa buuxa, dayaxa leh labada af ee fiiqan – waxaa jira waxyaabo cajiib ah oo ku saabsan dayaxa la jecleysto. Waa kuwan xaqiiqooyin la yaab leh oo ku saabsan dayaxeenna sida fiican noogu ifa habeenkii.

1. Dayaxu ma aha shey wareegsan oo dhinac walba iskala eg.

Dayuxu wuxuu u sameysanyahay sida beedka. Marka aad eegeyso, waxaad runtii arkeysaa mid ka mid ah dhinacyadiisa yar yar ee uu ku dhammaado. Ubucdiisana – oo ah qeybtiisa dhexe kuma aaddana bartamaha, waxay bartanka u jirtaa 1.2 mayl.

2. Waligeen si buuxda uma aynaan arkin dayaxa.

Mar walba oo aan eegno waxaan aragnaa boqolkiiba konton iyo sagaal (59%) ka mid ah dayaxa. Boqolkiiba afartan iyo kowda(41%) soo hadhayna waligeed lagama arki karo dhulka xaggiisa. Haddii aadan taas rumeysaneyninna, ogow in haddii aad hawada sare tagtid oo aad eegtid qeybta kaa qarsaneyd ee ah 41%, markaas awood uma yeelan doontid inaad aragtid meeraha dhulka!

3. Dayaxa midabkiisu buluugga yahay waxaa sababtay Folkaano ama buur qaraxday.

.

Erayga ‘dayaxa buluugga ah’ waxaa la aaminsanyahay in markii ugu horreysay la abuuray sannadkii 1883-kii ka dib markii ay qarxeen buuraha Krakatoa ee dalka Indonesia. Markaas ayuu boodh fara badan hawada sare gaadhay wuxuuna sababay in markii dayaxa la eego uu u muuqdo mid uu midabkiisu buluug yahay. Sida iska cadna waxay ahayd arrin qeyrul caadi ah oo aan hore u dhici jirin, sidaas awgeedna jumladda ingiriiska ah ee “once in a blue moon” oo micneheedu yahay “hal mar oo uu dayaxu buluug noqdo” waxay muujineysaa in loo adeegsado waxyaabaha dhif iyo naadirka ah.

4. Qarxinta dayaxa.

Mareykanku waxay si dhab ah uga fakirayaan iney hubka nukliyeerka ku qarxiyaan dayaxa. Fikraddaan waxaa lagu caddeyn doonaa quwadda ay leeyihiin milatariga Mareykanka iyo in ay muruqooda ku soo bixiyaan ruushka hortiisa, iyo waliba in lagu handado. Mashruucaas sirta ah waxaa lagu magacaaby ‘Duullimaadyo daraasad cilmi baadhis ah loogu soo sameynayo dayaxa’, ama ‘Mashruuca A119’.

5. Qorrax madoobaadka waxaa sababa xayawaan la yidhaahdo dragon-ka ee holaca afka ka sii daaya.

Waxyaabo ay dadkii hore ee shiinaha aaminsanaayeen ayaa qeexaya in Qorrax madoobaadka uu dhaco ka dib marka uu qorraxda liqo xayawaanka holaca afka ka sii daaya ee loo yaqaanno dragon-ka. Si ay arrintaas uga jawaabaan, dadka shiineyska ah waxay sameyn jireen qeylo xoog leh oo intii karaankooda ah, si ay xayawaankaas u cabsi galiyaan oo uu qorraxda u soo tufo. Waxay sidoo kale aaminsanaan jireen inuu xayawaan aad u weyn oo u eg sida Raha ku dhex noolyahay dayaxa, iyagoo u daliishan jiray godad ka muuqda dayaxa dhexdiisa. Godadka ku yaalla dayaxa waxay dhab ahaantii ka abuurmeen dhagaxaanta hawada sare ku wareega oo dayaxa ku dhacay 4.1 bilyan oo sano ka hor.

6. Dayaxa wuxuu yareynayaa wareegga dhulka.

Marka uu dayaxa aad ugu soo dhawaado dhulka waxaa afka qalaad lagu yidhaahdaa perigee. Arrintaas waxay sababeysaa in dayaxa uu yareeyo awoodda uu dhulka ku wareego, wuxuuna hoos u dhigayaa 1.5 milliseconds halkii qarniba.

7. Iftiinka Dayaxa

Qorraxdu waxay dayaxa buuxa ka iftiin badantahay cabir dhan 14 magnitude. Sidaas awgeed iftiinka qorraxda waxaa la ekaan kara 398,110 dayax oo buuxa. Inta uu socdo dayax madoobaadka oo ah xilliga uu dayaxa u soo siqo dhanka hooska ka sameysma meeraha dhulka, heer kulka dayaxa dushiisa ah wuxuu hoos ugu dhacaa ilaa 500 oo digrii feranhayt muddo ka yar 90 daqiiqo gudaheed.

8. Leonardo da Vinci ayaa ogaaday micnaha ka dambeeya.

Marka uu dayaxa muuqdo isagoo leh labo af oo fiiqan, waxaan aaminsannahay iney ka dhalatay iftiinka qorraxda oo haya dayaxa. Qeybta kale ee dayaxa waxaa kaliya oo lagu arki karaa si daciif ah iyadoo ku xidhan cimilada. Leonardo da Vinci ayaa noqday qofkii ugu horreeyay ee ogaaday in xilligaas dayaxa qeybtiisa kale ay u qarsantahay sababo la xidhiidha iftiinka qorraxda awgood.

9. Magacaabista dayaxa.

Waaxda caalamiga ah ee culuumta cirka iyo hawada waxay magacyo u bixiyeen godadka ku dhex yaalla dayaxa iyo dhammaan waxyaabaha kale ee cirka. Godadka ku dhex sameysan dayaxa waxaa loo kala bixiyay magacyada dadka wax ku oolka ah ee isugu jira seynisyahannada, farshaxamiisteyaasha iyo kuwa culuumta kala duwan raadiya.

Waxaa jira waxbaayo fara badan oo aynaan ka ogeyn arrimaha dayaxa. Laakiin waxaan ognahay waxyaabo ka badan kuwa ay ogyihiin dadkaan: daraasad la sameeyay sannadkii 1988-kii ayaa lagu sheegay in dayaxa uu ka sameysanyahay burcad.

 

COMMENTS
LINKS