Mourinho oo sheegay in cayaartooda qaar ay aad uga taxaddaraan sumacadda naadiga | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mourinho oo sheegay in cayaartooda qaar ay aad uga taxaddaraan sumacadda naadiga
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Tababaraha kooxda Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegaya in qaar ka mid ah cayaartooyda ay aad uga taxadaraan kooxda marka loo barbar dhigo qaarka kale, kadib markii naadiga uu ku guul dareeystay in uu badiyo saddexdi kulan ee la soo dhaafay.

Labadii cayaarood ee ugu dambeeysay ee horyaalka premier league ayaa waxa ay galeen barbaro, taas oo sababtay in kooxda ay hoos ugu dhacdo kaalinta tobnaad.

Waxaa sidoo kale koobka Carabo ka reebay naadiga Derby.

.

Mar Mourinho la weeydiyay in uu ka warwarsanyahay kaalinta uu kaga jiro horyaalka waxa uu ku jawaabay “maya”.

“Cayaaryanada waa ay kala duwanyihiin oo isku mid ahan,” ayuu yidhi. “Waxaan arkaa ficillo kala duwan balse magaran kartid qofka uurka waxa uu ka qabo.

Waxaan arkaa dad walaacsan, dadka qaarna xitaa uma muuqdaan in kulanba laga badiyay.

COMMENTS
LINKS