Real Madrid oo Guuldaro Kale Ka Soo Gaadhay CSKA Moscow iyo Natiijooyinkii Champions League oo Dhamaystiran. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Real Madrid oo Guuldaro Kale Ka Soo Gaadhay CSKA Moscow iyo Natiijooyinkii Champions League oo Dhamaystiran.
October 2, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda difaacanaysa koobka Champions League ee Real Madrid ayaa guuldaro kala soo laabtay kooxda CSKA Moscow kulanka labaad ee heerka Groupyada UEFA Champions League iyada oo Los Blancos kulankii saddexaad oo xidhiidh ah aan wax guul ah gaadhin.

Real Madrid ayaa saddexdii kulan ee ugu danbeeyay laba ka mid ah guuldaraysatay halka mid kale ay barbaro soo gashay sidoo kale kooxda Man United ayaa dhaafi kari wayday Valencia iyada oo xaaladii Red Devils ay waji cusub yeelatay.

kooxda AS Roma ayaa ka badisay kooxda Plzen halka Bayern Munich ay dhaafi kari wayday kooxda Ajax.

MAN UNITED 0-0 VALENCIA:

Manchester United ayaa markale qaybtii hore ee kulankii Valencia soo bandhigtay ciyaar ayna u bogan jamaahiirta kooxdeeda Old Trafford iyada oo kooxda uu Mourinho soo xushay ayna wax dhibaato ah ku abuurin goolhayaha Valencia 45 kii daqiiqo ee ugu horeeyay.

Inkasta oo uu  Marcus Rashford laba fursadood oo fiican uu abuuray Romelu Lukaku ayaan waxba ka badalin xaaladii uu ku jiray halka Alexis Sanchez uu wali ahaa mid ciyaarta ku dhex lunsan waxayna Valencia dareentay raaxo badan iyada oo aan la kulmin halistii ay Old Trafford ka filaysay.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay barbaro gool la’aan ah taas oo markale su’aal sii galisay awooda ciyaareed ee Man United halka Valencia ay xataa barbaraha ku qanacsanayd maadaama oo ay marti u ahayd koox ay cabsi badan markii hore ka qaybtay.

Laakiin qaybtii labaad ee ciyaarta waxaa wali sii socday niyadjabka Man United iyada oo xataa Valencia aamintay in ay guul gaadhi karto balse fursado fiican oo uu Pogba abuuray iyo darbooyin uu goolka furitaanka ku raadiyay ayaan waxba ka soo bixin.

Daqiiqadii 76 aad ayuu Mourinho sameeyay badalkiisii ugu horeeyay wuxuuna ciyaarta ka soo dhex qabtay Alexis Sanchez waxaana ciyaarta la soo galiyay Martial si uu iskugu dayo in uu Red Devils badbaadiyo.

Daqiiqadii 86 aad Marcus Rashford ayaa u muuqday in uu u guulaysanayo Man United laakiin waxa uu arkay fursada uu goolka sida wayn looga sugayay kooxdiisa oo birta goolku ka beenisay isla markaana ay Valencia halistan ka badbaaday.

Man United ayaa ku fashilantay in ay wax guul ah ka gaadho Valencia waxayna ugu danbayn ciyaartu ku dhamaatay babraro gool la’aan ah iyada oo abaarta guul la’aanta kooxda Mourinho ay sii dheeratay waana hubaal in ay culays kale oo badan ku sii kordhin doonto xalaadii jirtay.

CSKA MOSCOW 1-0 REAL MADRID

Daqiiqadii 2 aad ee bilawgii ciyaartaba kooxda CSKA Moscow ayaa si layaableh ula timid goolka furitaanka ee Julen Lopetegui iyo kooxdiisa xaalada ku xumeeyay waxaana goolkan u saxeexay Nikola Vlasic iyada oo Navas iyo Varane ay isku dhex yaaceen wuxuuna Nikola Vlasic ciyaarta ka dhigay 1-0 ay CSKA markiiba hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

Daqiiqadii 29 aad Casemiro ayaa ugu dhawaaday in uu kooxdiisa u keeno goolka barbaraha kadib markii uu boosishanka ku guulaystay isla markaana uu darbad ku laagay goolka CSKA lkiin may dhalan oo birta goolka ayay ku dhacday.

Daqiiqadii 40 aad Benzema ayaa isna markiisa u muuqday in uu dhalinayo goolka barbaraha Real Madrid laakiin markale birta goolka ayuu isna ku dhuftay.

Daqiiqadii 43 aad Julen Lopetegui ayuu walwal kale soo food saaray kadib markii uu Daniel Carvajal dhamaysan kari waayay dhawrka daqiiqo ee qaybta hore ka hadhsanaa waxaana soo gaadhay dhaawac cusub iyada oo kaydka looga yeedhay lvaro Odriozola.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayay Real Madrid awoodi wayday in ay soo laabto taas oo warka ugu fiican u ahaa jamaahiirta iyo kooxda CSKA Moscow oo si layaableh ciyaarta ku bilawday waxaana lagu kala nastay 1-0 ay CSKA Moscow hogaanka ku haysay.

Daqiiqadii 58 aad Julen Lopetegui ayaa shaxdiisa labada badal ee u hadhsanaa ku sameeyay wuxuuna kaydka uga yeedhay Luka Modric iyo Mariano Diaz wuxuuna saaray Lucas Vázquez iyo Casemiro iyada oo Madrid si xoogan ugu dagaalamaysay in ay ciyaarta ku soo laabto.

CSKA Moscow ayaa iska caabinteeda sii laba jibaartay waxayna Real Madrid ku adkaysatay in ay keensato goolka barbaraha laakiin Madrid ayaa ilaa dhamaadkii ciyaarta raadinaysay goolka barbaraha.

Daqiiqadii 90 aad Mariano Diaz ayaa wuxuu helay karoos uu soo tuuray Odriozola laakiin sidii ku dhacday Casemiro iyo Benzema waxa uu Maraino Diaz laakiin birta goolka ayaa fursadan ka beenisay.

Daqiiqadii 96 aad kaadhka cas ayaa loo taagay kabtanka ahna goolhayaha CSKA ee  Akinfeev laakiin ciyaartooyada CSKA ayaa ciyaarta sii waday wakhti ka badan 4 daqiiqo oo uu garsooruhu ciyaarta ku daray.

Laakiin wax walba oo dhacay iyo si kasta oo ay Real Madrid iskugu dayday goolka barbaraha waxay awoodi wayday in ay ka soo kabsato goolkii laga dhaliyay daqiiadii labaad ee ciyaarta waxayna Madrid la soo kulantay guuldaro 1-0 ah iyada oo culays kale uu sii fuulay Julen Lopetegui.

Halkan Kaga Bogo Natiijooyinka Kulamadii Caawa La Ciyaaray oo Dhan Ee Tartanka UEFA Champions League:

Juventus 3-0 Young Boys

Hoffenheim 1-2 Man City

Bayern Munich 1 – 1 Ajax

AEK Athens 2-3 Benfica

Lyon 2-2 Shakhtar

Roma 5 – 0 Viktoria Plzen

CSKA Moscow 1-0 Real Madrid

Man United 0-0 Valencia

 

COMMENTS
LINKS