Tuugo si la yaab leh u xadday beer ku taalla Jarmalka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Tuugo si la yaab leh u xadday beer ku taalla Jarmalka
October 4, 2018 - Written by Reporter:

Boolis ka howl gala koonfurta dalka Jarmalka ayaa raadinaya koox tuugo ah oo xadday beer weyn oo uu ka baxayay Canab.

Tuugada ayaa la baxsatay dhammaan midhihii canabka ee beertaas ku yaallay “iyagoo adeegsanayay mishiin casri ah oo mar qudha wada xaalufinayay dhammaan midhaha beerta”, sida uu booliska ka soo xigtay wargeyska maxalliga ah ee lagu magacaabo Rheinpfalz.

Arrinta ugu weyn ee ka cadheysiisay booliska ayaa ah xaqiiqada ku saabsan in beertaas ayna ku oollin meelaha ugu muhiimsan ee magaalada, hase ahaatee waxay ku taallay meel u dhow goob gawaadhida la dhigto oo ka baxsan xaafadda Deidesheim.

Kooxdan Tuugada ah ee fikradda cajiibka ah la timid ayaa howshooda ku guda jiray intii u dhaxeysay qorrax soo baxa ilaa qorrax dhaca, taasoo u dhiganta muddo 12 saacadood ah.

Saacado ayey ku xadeen canabkii beerta ku yaallay

Wakhtigaas ayay ugu suurta gashay iney wada goostaan midhaha beerta oo culeyskoodu uu gaadhayay 1,600 oo kiilo.

Midhaha canabka cad cad ee ay xadeen ayaa ah kuwa loo adeegsado sameynta nooc ka mid ah khamriga, waxaana qiimahooda uu ku kacayaa lacag ka badan $9,000 oo doollar.

Booliska ayaa aad u doon doonaya raggaas, waxayna dadweynaha ka codsadeen iney la wadaagaan macluumaad kasta oo horseedi kara in la soo qabto.

Ma aha markii ugu horreysay ee xatooyo loo geysto beeraha uu canabka ka baxo ee gobolka Rhineland-Palatinate.

Sannadkii la soo dhaafay oo kaliya ayaa la xaday midho canab oo dhan 600 ilaa 800 oo kiilo.

Gobolka Rhineland-Palatinate ayaa waxaa ku yaalla warshadaha ugu badan ee soo saara khamriga dalka Jarmalka.

Dadka deegaanka ayaa ka shaki qaba in falalka xatooyada ah ay ku lug leeyihiin shirkadaha iska soo horjeeda ee khamriga soo saara, maadaama ay iyagu haystaan qalabka casriga ah ee beeraha noocaas ah loo adeegsado.

Stephan Altmann oo ka mid ah dadka deggan gobolkaas ayaa yidhi “Arrintan waxaa sabab u ah tartanka iyo kala maseyridda u dhaxeysa shirkadaha”.

 

COMMENTS
LINKS