Suugaantu Waa Inay Xigmad Ku fadhida Oo Sharaxaad Gaar ah Yeelato! Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Suugaantu Waa Inay Xigmad Ku fadhida Oo Sharaxaad Gaar ah Yeelato! Barkhad-ladiif.
October 5, 2018 - Written by Editor:

Heestii Ugu xigmada iyo weedhaha cuslayd wixii xalay fanaaniin iyo heesaa iskugu yimid waxay noqotay heesta ugu hadal haynta badan ee khadra Sinimo ka qaaday madasha, taas oo isku fuuqsatay wixii heeso showga laga qaaday.

Waxay ahayd hees tix wal oo aad eegtaba odhaah noqon karta oo murti loo adeegsan karo, fanaaniintan dambe waxay qaadan heeso miisi uun leh balse ma eegaan weedhaha iyo murtida ay heestu ka kooban tahay, marka heestu aanay midho lahayn waxa lagu qariya dhawaaqa Miisigada iyo qalabka la garaacayo, haseyeeshee marka u sii fiirsato weedh dhaxal gal noqon karta kuma jirto.

Abwaaniinta da’da yar waxaan leeyahay ama midho sidaas u murti badan sameeya ama suugaanta ciyaarta ka daaya. Wuu mahadsan yahay Abwaan Hal Beeg oo heestan sameeyey.

Bal akhriste u fiirso heestan tix waliba sharaad gaar ah oo wax tilmaamaysa ayey leedahay:

“Laamaha Geed Sare Ku Yaal

Hadii Midba Gees U Baxo

Gantada U Aroorsaniyoo

Gunta Ayey Ka Mideysan Yahiin”

“Gacmaha nacab iyo gudmana

Ma wada gooyaan dhirtoo.

Galool baan ahay nasab ah

Gobaan ahay liicin abid,”

hadaad u fiirsado Galool iyo Gob waa labadda geed ee ugu tayada iyo adayga badan ee dhirteenna, waxaanay tusaale usoo qaaday labada geed inay sifaheeda leedahay.

——————–

“Qaalmaha geelee ku dhalla

Hadeey magac guud simaan

Gaawaha lagu soo lisiyo

Hadhuuubkaa lagu gartaa”

Geeluna mgac ayey ka siman yihiin laakin munaafacaadkeeda way kala badiyaan, dadkuna sidaas ayey u kala dadnimo badan yihiin,.

—————

“Gabnada maqasheed Gobyiyo

Gob deeqda mageynada

Midbaa marti loo godlaa

Gorofka midna looma culo.”

Tixdan waxay tilmaamaysa xoolaha qaar waa gobno oo dhasheeda caano kama helaan, qaar dadka caanaheeda ka faa’iida oo way caano badan tahay, laba neef oo isku mid ah ayaa midna dadka iyo caruurteeda deeqda midna caruurteeda ayeyna ku filayn.

—————————-

Gu iyo jiilaal midhaha guudkayga yaallo

Hoobaan baa laga gurtaa

Hadhkeyga lagu gam’aa

Jacaylkana lagu gartaa.”

Tuducdani wuxuu tilmaamayaa inay tahay dhirta gu iyo jiilaal aan gudhin, hadh iyo midhana waa laga helaa, jacaylkeeduna mar walba waa caynkaasi.

Muddooyinkan dambe qaabka ay heestani isku turjumayso ee loo isticmaalayo eekeyaasha maan arag, heestu waa inay sharaxaad yeelata lakiiin haday toos loo fahmo qiimo ma yeelato.

QALINKII; BARKHAD LADIIF CUMAR.

 

COMMENTS
LINKS