Maxaa La Gudboon Xubnaha Komishanka Doorashooyinka!Qalinkii;Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxaa La Gudboon Xubnaha Komishanka Doorashooyinka!Qalinkii;Prof Cabdi Cali.
October 6, 2018 - Written by Editor:

Anigoo aad u ixtiraamaya xubnaha Komishanka, qaarkoodna aanu asxaab nahay, haddana waxan ku baraarujin lahaa in la soo gaadhay xilligii ay iyagu dib isugu noqon lahaayeen, mar haddii arrinkii qir iyo qir is taagay.

Adduunyadu waa sharafta iyo baabah; inkastoo aydaan siyaasiyiin ahayn, haddana ma tihidin shaqaale caadi ah; hawsha aad haysaana waa siyaasadda dhuuxeedii; siyaasaddu damcad bay leedahay; immika wixii ka danbeeya haddii aad idinku fududayn waydaan, waxa laga yaabaa in sharaftiina dhaawac soo gaadho; cuntada aad karisaana immika wixii ka danbeeya, ma yeelan doonto wax dhadhan ah; xataa haddii aad xawaashka ku badisaan!!!!; sidaa darteed, markaan eego milgihiina iyo milgaha xilka aad haysaan, waxa idiin fiican in aydaan sii joogin, xataa haddii sidaa la idinka codsado.

Haddii aad sidaa yeeshaan waxaynu noqon doonaa ummad leh dhaqan siyaasadeed (political culture); idinku waanin maayo wax aanan anigu dhaqan u lahayn, laakiin runtii waa mid ka mid ah sababaha aan isku casilo anigu, markaan waxba garan waayo.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac U dhaq-dhaqaaqa arrimaha bulshada iyo maamul wanaagga

COMMENTS
LINKS