Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Macalin Axmed Daahir Faarax ( AHN ) 1950 Ilaa 2018. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Macalin Axmed Daahir Faarax ( AHN ) 1950 Ilaa 2018.
October 6, 2018 - Written by Editor:

Taariikh Nololeedkii Marxuum Macalin Axmed Daahir Faarax oo kooban.

Wuxuu ku dhashay Tog Wajaale 1950

Malcaamad Quraanka waxa uu kabilaabay isla Togwajaale.

Dugsiga Hoose waxa uu ka bilaabay Tog wajaale 1960-1964 dugsiga ka Dhexana Cadaadlay ayuu ka bilaabay1964-1967.

Dugsiga sarana wuxuu Sheekh ka bilaabay 1967-1971.

Kadib wuxuu halkaa kasii waday Waxbarashadiisii wuxu galay Jaamacadii Macalinimada ee Lafoole 1971-1974.

Wuxuu qayb wayn kasoo qaatay Gurmadkii Abaarahii Sablaale iyo Kuntuwaaray,waxa kale oo uu Qaybwayn kaqaatay Ololihii Afka Soomaaliga lagaadhsiinayay Dalka.

Marxuum axmed daahir

Markii uu Jaamacada soo dhameeyay wuxuu markiiba shaqada ka bilaabay Schoolkii uu ka baxay ee Sheekh halkaasu waqti dheer oo ilaa 7 Sanno ah uu joogay.

1981-1988 waxa uu soo maray seddex School oo ku kala yaala Hargaysa Dugsigii If iyo Akhiro la odhan jiray, Arabsiyo iyo Ceerigaabo.

1991 markii Dhulka lagu soo noqdayna waxa uu ka mid ahaa Kormeerayaasha,Qorista Manhajka Waxbarashada ilaa imika oo Xaqii uyimid wuxuu ahaa Macalin ka hawlgala Dugsiga Faarax Oomaar.

Waxa kale oo uu wax ka dhigi jirey dugsiga sare ee 26 june markii dib loo furey oo uu isagana in mudo ah joogey.

Ahmed wuxu ahaa Nin Bashaasha Hadala Cadcad dhaqan yaqaana dad jecel.

Ifka waxa ukaga tagay shan caruura 3 Wiil iyo 2 gabdhood iyo Ooridiisi.

ILAAHAY HA U NAXARIISTO AAMIIN.

Taariikhda macalinkii waynaa Axmed Daahir waxa aan ka helay inan uu abti u yahay. Edo Amina Aw Jaamac Muumin.

 

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS