Komiishanka doorashada ma in la kala diraa, Mise waa in xubno lagu kordhiyo? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Komiishanka doorashada ma in la kala diraa, Mise waa in xubno lagu kordhiyo?
October 7, 2018 - Written by Reporter:

Komishanka Doorashada Qaranku waa komishan hawl fiican dalka u qabtay, doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabteena waxay u hirgaliyeen si fiican. Cid kasta oo doorashadii dalka ka dhacday la socday, indho caafimad qabtana ku eegaysay way og yihiin in aanay wax qalada ayna samaynin.

Inta aan ogahay waxaa jirtay laba dhacdo oo xisbiga Wadani u soo jeediyay Komishanka Qaranka:
Mid waxay ahayd waraaqihii codaynta oo si qaldan looga soo saray goob lagu codaynayay. Markii badhid lagu sameeyayna waxaa la helay goobtii iyo cida kala soo baxday. Waana la ogyahay cida samaysay.
Mida kale, waxay ahayd Xusbiga Wadani inuu ku dooday in wax is dhafin lagu sameeyay goobo ku yaala degmooyin ka mida Maroodi Jeex iyo Gabilay. Si loo qanciyo Xusbiga Wadani, waxaa dhawr goor dib-u-tirin lagu sameeyay degmooyin ka tirsan Maroodi Jeex iyo Gabilay. Wax codada oo si qaldan lagu shubtay lama helin, haddii laga tagi wayan xusbiga Wadani ayaa codad dheerad ku ahaayeen.
Sida daraadeed, Komishanku shaqada uu qaranka u qabtay ABAAL marina ayay inaga mudan yihiin. Lakiin, Komishanka Doorashda loo kala diri mayo, guuldarada doorashada ee xusbiga Wadani.
Haddaba, si doorsho xor ah oo xalaali dalka uga dhacdo, maxaa xal ah?
Waxaan Gudoomiyaha UCID, Faysal Cali Waraabe ku raacsanahay in laba xubnood ooy soo xushan Xusbiyada mucaarid loogu daro Komishanka Doorashooyinka. Xusbiyada Mucaaridku waxay diidanyeen in xusbiga xaakumku laba xubnood soo xusho iyaguna mid mid soo xushan. Xusbiga Kulmiye marka uu mucaaridka ahaa sida fiinta ayuu uga qaylin jiray arintani. Haddaba, si xeedhan xeedho u noqoto, dalkana doorasho uga dhacdo. Waxaan la qabaa Gudoomiye Faysal Cali Waraabe in xubnaha komishanka laba xubnoodna oo Xusbiyada Mucaaridku soo xushan loogu daro.

Sida daradeed, waa in si “KU-MEEL GAADHA” loo badalo xeerka Komishanka Qaranka, oo labdani xubnoodna lagu daro. Xusbiga Kulmiye iyo Madaxwaynuhuna ayna taageeran, waana in ayna arintani ku riixin Golayaasha Wakiilada ee aan doorashada ka soo horjeeda. Madaxwayne Muuse Biixi wuxuu xaq u leeyahay in labdani shuruudood uu ku xidho, labda xubnood ee Komishanka lagu kordhinayo:
Waa in xubnahani noqdaan Beelaha aan ku jirn komishanka, ama Beelaha laga tagay ee kala ah Ciise iyo Gabooye.
Waa in Xusbiyada Mucaaridku ayna soo xulin Beela tageersan ama Beelaha xubno ku leh Komishanka Qaranka. Todaba xubneed ee Komishanku waxay si is leg u matalaan Beelaha Somaliland ee waawayn.
Waa in labada xubnood ee xusbiyada mucaaridku doortan loo gudbiyo Madaxwaynahu, haddii uu Madaxwaynuhu ku qanco in xubnahani ay dhex dhexaad noqanayaan, uu marka u gudbiyo golaha Wakiilada si ay u ansixiyaan. Haddii kalana ka dalbado in ay badalan.

Gaba gabadii, doorashada in la qabto waa mid dan u ah qaranka. Xusbiyada mucaaridkuna way ka faa’iidayaan oo waxay helayaan xubno xusbigooda oo ah oo Golaha Wakiilada iyo Golaha Deganka ka mida. Xusbil Xaakinka iyo Madaxwaynaha waa u dan oo waxaa uu noqonayaa inuu hawl mudo dheer laga war wareegayay oo dhanta qaranku ku jirtay in ay hirgaliyeen.

Sida daraadeed, waa in su ku meel gadha labadan xubnood lagu kordhiyo Komishanka Doorashooyinka, xeerkana Komishanka Doorashadana lagu waafajiyo. Marka, wakhtiga Komishanku dhamaadana, waa in la isla qaato sida ugu fiican ee lagu soo xulan karo Komishanka Doorashada Qaranka, iyo tirada ay noqonayaan. Xeer Komishanka oo dalka lagu dhaqo oon la badali karana la sameeyo.

Anigu waxaan soo jeedin lahaa in Komishanka Doorashada noqdan 7 xubnood, sida ay iminka yihiin. Laba laba xubnood ooy soo xulan saddexda xusbi qaran iyo hal xubin oo Guurtida soo xulan. Madaxwaynaha iyo Golaha Wakiiladuna ay dib u eegid ku sameeyan.

Golaha Guurtida, iyo Golaha Wakiilad waa mudo dhaaf, bilaa sharciya ayay ku fadhiyaan mudo dheer. Sida dartee, Somaliland waxay u bahan tahay in doorashada sida ugu dhakhsaha badan loo qabto, si labadan gole loo badalo. Golaha degankuna waxay noqdeen kuwo lagu khasaray oo hanti ay booban mooye aan aqoon wax qabad. Marka in iyaga lagu badalo kuwa dhama oo ummada waxa u qabta waa loo bahan yahay. Marka waa in cid kasta iska dhaafto damaca ay leeyihiin, oo meel looga soo jeedsado danta QARANKA.

Xukuumada waa in ay dulqaad muujiso, si daacadana uga hawl gasho hirgalinta doorasha. Rabitanka doorashadana ay ficil ku darto, sida doorashadu wakhtiga ugu dhakhsaha badan loo qabto. Xusbiyada Mucaaridkuna waa in ay joojiyaan caqabadaha ay doorashada hor dhigayaan oo ka fakiraan siday dadka Somaliland qalbigooda iyo codkooda u hanti lahaayeen.

 

SOMALILAND HA NOOLATO!!!!!!!!!!!!!!!
OMAR A. YOUSUF
OAKLAND, CALIFORNIA
Omaryousuf455@gmail.com

COMMENTS
LINKS