Mucjisada: Daanyeer bas kaxeeyay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Mucjisada: Daanyeer bas kaxeeyay
October 7, 2018 - Written by Reporter:

Darawal Hindi ah oo basaska kaxeeya ayaa laga joojiyey inuu gaadhi wado ka dib markii uu daanyeer u ogolaaday inuu baskiisa wado.

Sidaasoo ay tahay, ma jirin wax cabasho ah oo ka timid soddomeeyo qof oo ahaa rakaabkii saarnaa baskaas marayey koofurta gobolka Karnataka.

Haddaba markii la shaaciyey fiidiyow muujinaya daayeer ayna ka qasnayn oo si fiican u kaxaynayey gaadhiga, oo fiidiyowgaasna uu noqday mid aad loo daawaday, ayey shirkaddii baska lahayd tallaabo ka qaadday darawalka.

Daayeerka oo isteerinka haya

“Bedqabka rakaabka khatar lama gelin kari iyadoo daayeer isteerinka loo dhiibayo” sidaa waxaa yidhi afhayeen u hadlay shirkadda baska leh.

Laakin dadkii daawaday, arrinta la yaabka leh waxay ahayd in aysan isku raacsanayn wixii ay arkeen iyo talaabada laga qaaday.

“Waa heer sare, maxaa shaqada looga joojiyey? Waxay ahayd in loo digo si uuna mar kale tan ugu celin” Prag Heda ayaa Twitter ku qoray.

Arrintan ayaa dhacday Isniintii, sida laga soo xigtay hay’adda xukuumadda u qaabilsan waddooyinka, taasoo ogaatay wixii dhacay markii la sii daayey fiidiyowga.

Sida laga soo xigtay dad goobjoog ah, daayeerka waxaa gaadhiga soo saaray qof rakaab ah oo diiday inuu fadhiisto meel aan ahayn kursiga hore.

Darawalka oo magaciisa lagu sheegay M Prakash, oo u muuqday in aanu wax welwel ah ka qabin ayaa u ogolaaday daayeerka inuu dhabtiisa ku fadhiisto.

Si marka loo eego, Mr Parakash wuxuu u muuqday in uu isteerinka hal gacan ku hayey intii uu gaadhigu socday oo uu taxaddar qabay.

Daayeerka wuxuu gadhiga kaga hadhay markii la gaadhay halkii loo waday.

 

COMMENTS
LINKS