Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Eng Cabdixakiin Maxamed Cali Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hambalyo Iyo Taageero Ku Socota Musharax Eng Cabdixakiin Maxamed Cali Oo U Sharaxan Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa.
October 8, 2018 - Written by Editor:

Waxan Halkan Hambalyo mug iyo miisaan culus uga dirayaa Musharax Engr. Cabdixakiin Maxamed Cali  oo ah Musharax u taagan  isla markaasina u tartamaaya Doorashada Golaha Deegaanka ee dhawaanta lagu wado inay dalka ka qabsoonto, gaar ahaan Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa .

taageero murashax

Musharax Engr. Cabdixakiin Maxamed Cali oo kamida dhalinyarada fara ku-tiriska ah ee Alle hibada u siiyey karaamada iyo sharafta hogaamiyenimada ah ee loo dhasho isla markaana kamida hantida gaarka ah ee Caasimada Hargeysa.

Musharax Engr. Cabdixakiin Maxamed Cali oo ku caana sharaf iyo karaamo shaqsiyadeed iyo hal adayga daacadnimo ku dheehantay ayaa bulshadu aad ugu diiraadeen markii uu soo gaadhay warka sheegaya inuu u taaganyey doorasha soo socota ee Golaha Deegaanka Caasimada Hargeysa ,

Guntii iyo gabagabadii waxan maqaalkaygan kusoo af-meerayaa Musharax Engr. Cabdixakiin Maxamed Cali, Baahi Weyn bay bulshada reer Caasimadu u qabaan inuu kusoo biiro hogaankooda maamul ee Golaha Deegaanka Degmada Hargeysa waanu ku guulaysanayaa insha alaah hankiisaas iyo himiladiisaas Siyaasadeed ee uu isu soo taagay.

Allaa Mahadleh

Sharmaake Cali Hurre

Hargeysa/Somaliland

COMMENTS
LINKS