Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibrahim Dheere) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waari Mayside War Ha Kaa Hadho! Ganacsade Ibraahim Cabdi Kaahin (Ibrahim Dheere)
October 9, 2018 - Written by Editor:

Waxa uu Noolaa Horaantii Qarnigii tagey ilaa 12 Nov 2015 Alle ha u naxariisto e.

Ganacsade Ibrahim Cabdi Kaahin wuxuu ahaa Alle ha u naxariisto e ganacsadihii ugu lacagta badnaa dadka somalida ah, waxaana uu ahaa shaqsi aad looga yaqaan Geeska Africa iyo Africa badankeeda.

marxuum ibraahim dheere

Ilaahay ha u naxariisto Ibrahim waxa uu dhashay horaantii qarnigii hore, waxaa uu ku dhashay kuna barbaaray Somaliland.

Waxa uu bilaabay ganacsi isaga oo dhalinyaro ah, Waxa uu u wareegay dalka jamhuuriyada Djibouti oo uu ganacsigiisii ka sii watay.

Ibrahim dheere Alle ha u naxariisto e waxa uu ahaa shaqsiyaadka la xasuusto markii halgankii SNM lagu jirey iyo dib u dhiskii dalkaba.

Ibrahim Abdi Kaahin Alle ha u naxariisto markii aynu dalka soo galnay cidii raashin iyo badeecadihii ugu horeeyey keenay ayuu ahaa Dekada Berbera ee caymiska maraakiibta meel sii dhigay hadii ay wax noqdaan iyada oo la ina aamini laayahay.

Ibrahim Dheere AHN waa shaqsigii damiintay daabacaada lacagta Somaliland, isaga oo ka bixiyey 2 milyan oo dollar.

Waxa uu ahaa ganacsadihii lacagtii dib u dhiska iyo dawladnimada inteedii badnayd bixiyey marxaladihii adkaa ee aynu soo marnay Somalilandna qayb laxaad leh ka qaatay.

Ibrahim Dheere AHN waxa uu sheegay wargeyska the Economist ee ka soo baxa dalka faransiisku in uu ahaa wakhtitadii uu geeriyoon doono horteed shaqsiga ugu lacagta badnaa dadka somalida ah isaga oo haystay 1.6 bilyan dollar.

Ibrahim Dheere waxa uu hanti ma guurto ah oo badan ku lahaa caasimada jamhuuriyada Djibouti ee Djibouti iyo Somaliland iyo dalal badan oo kale.

Ibrahim Dheere waxa uu ahaa shaqsiyaadkii badeecadaha ugu badan kala soo degi jiray dekedaha Berbera, Djibouti iyo Muqdisho.

Ibrahim Dheere waxa uu geeriyooday 12 Nov 2015 kii isaga oo ay da’diisu ku dhowdahay 100 sano.

Ibrahim Dheere waxa ay tafiirtiisu ku dhowdahay sida aan filayo 100 qof inta uu dhalay iyo inta ay sii dhaleenba marka la isku daro.

Dadka haya taariikhda Ibrahim Cabdi Kaahin oo dhamaystiran waxa aan ka codsanayaa in ay nala wadaagaan.

Qalinkii; Muhamed Dhimbiil

 

COMMENTS
LINKS