Hay’adaha Saadaasha Hawada Oo Ka Digay Duufaan Ku Soo Fool Leh Dalal Somaliland Ku Jirto. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Hay’adaha Saadaasha Hawada Oo Ka Digay Duufaan Ku Soo Fool Leh Dalal Somaliland Ku Jirto.
October 9, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa,(W,N) – Warar ay soo saareen Hay’adaha Saadaasha Hawada ee Caalamiga ah, ayaa sheegaya in Duufaan lagu Magaabo Lubaan ay ku soo fool leedahay Waddamada Khaliijka Carabta iyo Waddamada Soomaaliya, Somaliland iyo Jabuuti.

Luban

Hay’adaha Saadaasha Hawada ee Digniintan soo saaray ayaa sheegay in Duufaanta Lubaan ay Dalalka Somaliland ka mid tahay ay ku soo fool leedahay Maalinta Axadda ee Toddobaadka dambe haddii Alle yidhaahdo.

Dabbayshan oo Hay’adaha Saadaaliyey sheegeen inay ka soo kacayso bariga Badda Suqadara, ayaa la sheegay inay marka koowaad ku beegan tahay Dalka Cumaan, gaar ahaan Magaalada Salaala oo ay ku taallo Dekedda ugu weyn dalkaa iyo Dalka Yemen.

Hay’adaha Saadaasha Hawada oo ay ka mid tahay Hay’adda BBC-da u qaabilsan Saadaasha Hawada, ayaa sheegay in Duufaanta Lubaan loogu Magac-daray ay markaasi ka dib, soo mari doonto Waqooyiga Maamul-gobolleedka Puntland, gaar ahaan deegaannada Xeebta ku teedsan, waxaana laga yaabaa inay gaadho illaa Dalka Jabuuti.

Dabbayshan ayaa waxa la saadaalinayaa in marka ay Badda dhex socoto inay Saacaddiiba socon karto 65 Mayl, wallow Khuburrada Saadaasha hawadu sheegayaan in xawaaraha Dabbayshaasi oo aad u sarreeya uu hoos u dhacayo marka ay marayso Dalka Yemen.

Wallow ay Hay’adaha Saadaasha Hawadu Maanta uun rasmi ahaan u sheegeen Duufaanta ku soo foolka leh Dalalka Somaliland ku jirto, waxa digniintan oo kale Shacabka Somaliland Warbaahinta u mariyey Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed.

Wasiirka Horumarinta Beeraha JSL Md. Axmed Muumin Seed oo laba Toddobaad muddo laga joogo Shir-jaraa’id qabtay, ka dib kulan uu la yeeshay Guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiilla, ayaa sheegay in Waaxda Saadaasha Hawada ee Wasaaradda Beeruhu ku war-gelisay in Roobab duufaanno wataa ay ku soo waajahan yihiin Gobollada bariga Somaliland, sida Sanaag iyo Sool, waxaanu Wasiirku uu Dadweynaha ku dhaqan deegaannadaasi, gaar ahaan kuwo ku dhow Badda uu ku waaniyey inay ka foogaan halkaasi, si aanay dhibaato uga soo gaadhin Roobabkaa duufaanta wata.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS