Isbarbardhiga, Habdhaqanka Hogaamineed Ee Madaxwayne Marxuum Cigaal Iyo Madaxwayne, Muuse Biixi!! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Isbarbardhiga, Habdhaqanka Hogaamineed Ee Madaxwayne Marxuum Cigaal Iyo Madaxwayne, Muuse Biixi!!
October 9, 2018 - Written by Editor:

Isbarbardhiga, Habdhaqanka Hogaamineed Ee Madaxwayne Marxuum Cigaal Iyo Madaxwayne, Muuse Biixi!

Madhax Ma leh wax Aadami kuu mitamiyaaye,

Macaluul wax kagama taro maal lagu guraaye,

Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajadee,

Umadiba mar uun bay heshaa macalin keede,

Waar Soomaali mowdeedii baa taagan manta e.

Abw: A/lahi Suldan Timacade.

Ilaahay naxariistii janno ha ka waraabiyee.

Madaxnimoda hadaan si guud u sharaxno Islaam iyo gaalba waxa weeyi umad kasta oo Ilaahay meel ku beerayba qofbuu Alleh ugu dhiibaa hogaanka kaas uun baa uga taga wax dhaxal gal unoqda umadaas ama baabiiya hadaba Aynu eegno madaxda aduunka waxaynu ukala saari laba nooc.

  1. Madaxda Reer Galbeedka.
  2. Madaxda Carbeed Iyo Africa.

Madaxda reer galbeedku waxa ay ku fikiraan in ay umadooda dhaxal gal uga tagaan isla markaa muwaadin kastaa xuquuqduu lahaa si uu u helo, kamana fikiro dhaqaale urursi ee magac baa lawayn. Madax wayne kastaa oo soo maraana sinaan iyo cadaalad buu ku dhaqaa umadiisa nidaam waligii aan isbadalina way leeyihiin.

Halka ay ay madaxda Carbeed iyo kuwa Africa fikirkoodu yahay dhaqaale urursi, cadaalad la’aan iyo qaraabo hiil oo ay reerkoodu dhaqaale iyo maamulba ay gacantooda ku maalayan islamarkaasna ku darsadeen kalidii talisnimo aan xukunka kadagayn geerida hortii taasna laga dhaxlo burbur iyo horumar la’aan.

xamse cirro

Hadaba waa side habdhaqanka maamul ee madaxda Somaliyeed guud ahanba ? Jawaabta waxaan ku soo koobayaaa Allah ha unaxariistee abw. Tima’ade gabaygaa tuducyo kamidii sare ku xusan yihiin. Wuxuu kuu iftiiminayaa ama ku tusayaa laga soo bilaabo xiligii xoriyada Somali heshay waa 1960 kii in umadu u ooman tahay kii haginlahaa ee maamul dhaxal gala uga tagi lahaa. Madaxwayne kasta ka badala ee kaga danbeeya talada uun baa shacabku kanaa dhaami kii hore misana waa ka liitaa. Maantana Somaali sidii lixdankii uun bay ugu ooman tahay madax waynihii hagi lahaa ee uga tagi lahaa wax dhaxal gala walina lama helin kaas.

cigaal iyo muuse

Iyada oo ay ku kala duwanaaanayaan hadafka madax wayne kastaa uu leeyahay,  waa mid caynkee ah ka umadda iyo dalkaba uroon ? waa madax wayne hadafkiisu yahay umadan in uu wax uqabto kaas oo ku sifaysan in uu ku dhaqmo Diinteena Islaamka, in uu garanayo dhaqanka umadda, Allehna garanaya islamarkaana cadaalad, sinaan iyo daacadnimo ku hagaya umada ku nool ee Ilaahay wada dhigay Jamhuuriyada Somaaliland.

Hadaan u kaco ujeedada maqaalkan waa maxay farqiga hogaamineed ee u dhaxeeya  Allah ha u naxariistee Madax waynihii hore ee Jamhuuriyada S/land mud. Mohamed H.Ibrahim Cigal iyo madax waynaha haatan talada haya ee Mud. Muuse Biixi Abdi.

Madax waynihii hore mudane Mohamed Haji Ibraahim Egal (AHN)  waxa uu ahaa siyaasi dhab ah oo uu umada ilaahay usoo diray hadafkisuna ku salaysnaa diinta islaamka iyo dhaqanka umadani leedahay garanayana umadan kii wax tar ay ka helayso iyo kii waraabe ah ee halbowle jaraya wuuna caydhin jiray.

Madax wayne Igal dhaqanka maamul ee uu lahaa waxa aan ku soo koobayaa qodobadaa hoos ku xusan.

1.Kalsooni: Waxa uu ahaa qof  kalsooni buuxda leh oo aan cidna biyo u kabanayn. Waxaa kuu cadaynaysa ama markhaati kaaga ah sidaa uu dadka ula tashan jiray dadka ugu xidhnaa

2.Dhaqaale urursi uma fuuli jirin kursiga: taas waxaa kaaga Markaati ah in uu ku dhameeyay hantidii aabihii aduunyadana uu ka tagay isagoo faro madhan umada reer Somaliland na uga tagay dhaxalka manta inoo suurta galiyay in halkaa aan ku soo gaadhno xataa waxaa jirtay in uu inan uu dhalay u dhiibatay lacag dhan $ 50,000 dollar isagoo ku fikiraya in uu aabihii ugu darro in kale ayuu mudo danbe ku yiri waa inankiiye Aabo lacagtii isii, Jawabtii madax wayne Cigaal u fiirso aaabo meelbay iga buuxisay ama aan ku daboolee soco adaa dayar oo helayee halkaas buu marayay bal adba dabadii soo hel madax sidaas ah. Xigasho buuga dharaaro xusuustoodee uu qoray Prof. Mohamed Saciid Gees Ilaahay ha xafidee. Ganacsadan maanta shacabka taagta daran ku dul hirdamaysana maalkooda ayuu dalka ku hagi jiray ee umay yeedhin jirin isaga siday rabaaan maantase madaxdii kadan baysay oo dhan iyagaa kasareeya dalkana ganacsatadaa maamusha shacabkina dhiigay ka miirteen. Bal adba kaaf iyo kala dheer sow maaha shalay waxaa tamarinayay kii dadka dan u ah iyo mantana kii dantiisa uun eegayay baa ugu sareeya.

3; Qaraabo hiil muu aqoon e sinaan maamul ku salaysan buu ku dhaqayay umada: tusaale isaga iskadaaye cid xukumadiisa kamida hadu ehelada madaxwayne cigaal shaqo udhiibo wuxuu farri jiray in uu cidaa caynadiisa ah ka qaado shaqadaa iskadaa in uu isagu u magacaabee. Marku raysal wasaraha ahaa ayuu Mohamed Ahmed Kuluc oo ahaa inabtigii baa ula tagay in uu ka dhigo wasiirka hidaha iyo dhaqanka wuu ka diiday, mar labaad buu tolkii u kaxaystay oo abtiyaashii ahaa Cigaal markaas bay ku idhaahdeen walaalkaa manta hadaad waxu qaban waydo yaa wax taridoona yaadse wax tari aduu ? wuxuu ugu jawaabay Abtiyaal waxaan dhaar ku maray in aan sinaan iyo cadaalad ugu shaqeeyo umadda Somaliyeed wuuna ka diiday. Hadalki dhaxal galka ahaa ee tolkii waxa uu ahaa ( Dhaxal xumo idinka tagi mayo waligiin idinka hadhi wayda Ciise Muusow)  bal adba hel dabadii hogaan sidaas.

4; Samo- Talis ah: waligi muu ahayn qof xume ama dhiiga iyo dhibka bulshada ku fuula kursiga sida ay madaxda Africa u badan tahay. Waxa uu gacanta ku haystay dadka samo ka taliska ah waana waxa u saamaxay in uu uga tago dhaxal gal waara Illaahayna waa u fududeeyay.

5; Madax wayne Diinta ku dhaqma kuna saleeya maamulkiisu: waxa uu ahaa shaqsiyad Ilaahay kacabsi badan aakhiradiisana u tudhanaya. Bal adba dabadii hel hogaan sidaas ah

6;  Dad yaqaan ah: Allah ha u naxariistee dad yaqaan buu ahaa cid kasta iyo shakhsi kasta yiqiin wuxuu galo iyo wuxuu gudo. Isla markaasna xulan jiray shakhsiyaadka aqlu saaxib ka ah ee umadda iyo dalkaba wax taraya.

7; Tallo Waddag: waxa uu ahaa shakhsi isku kalsoon maadaama kalsooni jirto Umaddiisa wuu la tashan jiray taladii anfacdana waa qaadan jiray. Tusaale waxan akhriyay buug uu qoray Prof. Mohamed Siciid Gees oo la magic baxay (Dharaaro Xusuustood) maalin maalmaha kamida in madax wayne Cigaal kulankii golaha wasiirada ka dhex akhriyay warqad: waxa uu ku bilaabay waar yaa garanaya nin intaan aduunyada ka maqnaa soo baxay oo layidhaa Mu’ammar Qaddaafi? Waxa u jawaaabay Mohamed Ahmed (SIILANYO) oo ahaa wasiirka Maaliyada ahaa oo yidhi anagaa garanayna oo xiligii jabhada naqaanay wuxuu rabaa kuguna qasbayaa Soomali wayn hadaad diidana wuu ku xidhayaa deeto golihii wasiiradaa guux ka dhex aloosmay yaan latagin baa la leeyahay Wasiirkii Qorshaynta Qaranka oo uu ahaa Prof. Mohamed Siciid Gees ayaa isagu fikir gaara kaga jawaabay arinkaas yidhina Mohamuud Saalax Nuur(Fagadho) oo ahaa wasiirka arrimaha dibada haloo diro. Intaas kabacdi waxa hadalki la wareegay wasiirkii arrimaha dibada Mohamuud (Fagadho) oo yidhi waar ma waxaan ahay doofaarkii tijaabada madaxwayne Cigaal taladii Gees buu qaatay sidii buuna fagadhe ku tagay Libya. Bal adba hel dabadii hogaan tallo qaata ama raadsada.

8; Xulashada dadka la shaqaynaya: ma aqoon ama kuma xulan jirin dano gaara balse wuxuu eegi jiray kartida hab dhaqanka aqooneed ee uu leeyahay qofka uu xil udhiibayo. Qof kastana halkuu ku haboon yahay buu u dhiibi jiray. Tusaale muwaadin qurbo jooga ayaa ku wareeriyay madax wayne maad u samayn wayday idaacad dalka wada gaadha wuu ku hadal hayn badiyay madax waynaha xaladada dhaqaale ee dalku ku jiraa way adkayd badbaado dad bay maraysay muwaadinkaasna idaacad baa la waynayd kaaf iyo kal dheeri weeyan.  Malintii danbe buu isla isagii u magacaabay wasiirka wasaarada warfaafinta iyo wacyi galinta Jamhuuriyada Somaaliland muwaadinkii qurbe jooga ahaa dabadeedna wakhti yar gudihii wuu waddi kari waayay shaqadii xilkiina laga qaaday.

9; Kuxidhnaashaha bulshada: Sheekh iyo Shariifba waa ku xidhnaa madax wayne Cigaal cidii talo wax ku oo leh uu bidana waa u doonan jiray. Bal adba dabadii arag hogaan talo raadcaystay.

10; Caddali ah: (Rag cadaalad waaya sida fiinta qayli) waxa uu ahaa nin cid walba ka adag cadaaladna kaga adag xukumadiisii baa ugu danbaysay dheeli tir iyo saami qaybsi sax ah bal u fiirso marka wafti uu dibada ubaxayo cida raaci jirtay waftiguu hogaaminayo, prof. Gees, Mohamuud (Fagadhe), rashiid Gadhwayne. Eeshqiyaasak bal soo hel cadaaladaas oo kale dabadii. Baarlamanka Qaybe iyo Xaabsade oo isu hayba baa hayay, wasaarada ugu tunka wayn leh sida maaliyada, arimaha dibadda waxaa soo maray Prof. Gees iyo Fagadhe oo isu hayba halka xukumadihii ka danbeeyay aad moodo beesha dhexe mooyee cid kale lexejeclo kaleedahay aan loo haysan waxay ahayd xukumad dheeli tiran oo matasha umadda reer Somaaliland. Waxaan xasuustay  Ilaahay naxariistii jano ha siiyee abw. Gaariye gabay uu lahaa (dharaarbaa iman doonta dadka Sooliyo Awdal ee aadanow hagrateen  lagu raadsho ilays) maa lahayaa dabadii dal midaysan) ? waa maya.

Madaxwaynaha haatan talada dalka majaraha u haya madax wayne mudane Muuse Biixi Abdi oo ah mujaahid halgamaa naftiisa iyo wakhtigiisa u soo huray dalka iyo dufaacida umadiisa islama markaana ay ka soo goday in uu umadiisa hogaanka u qabto ayaa umuuqday mid dalku ku rayn doona marka loo eego labadii madax wayne ee ka horeeyay waayo waxaa loo arkayay nin go’aan leh aan dhinacna uga bixin wadanka xogta uu hayo iyo sida uu uga dharagsanaa duruufaha umadani la daalaa dhacayso shacabku ka filanayeen in ay ku rayn doonaan. Markuu musharaxa ahaa waxa uu umada tusay waji balaadhan wax dhagaysta baahidooda daboolaya tuugta ka qaban doona sharci iyo cadaalad ku maamulidoona.

Eeshqiyaasak haatan oo taladii dalka hayo wajigi miyaa uu wax ku wadaa ? waa maya mid kale buu lasoo baxay oo ah kalidii taliye aan cid dhagaysanayn. Bal adba midabyo badanaaa ma jir jiroolaa.

Madax wayne mud. Muuse Biixi Abdi waa side dhaqankiisa maamu ee uu haatan hogaanka dalka ku wado?

1.Kalsooni: qof kasta waad daremi kartaa in uu lee yahay kalsooni ama aanu lahayn waayo waxaa ku tusaysa siduu udhaqmayo. Madaxwaynaha mud. Muuse Biixi waxaa loo arkayay in uu yahay qof kalsooni leh taas way beenowday waxayna noqotay Riyo Saabka ha u Tolan. Sababtoo ah wuxuu samayn lahaa wada tashi uu umadiisa sheikh iyo shariifba la yeelan lahaa go’aanka u qaadanayaana wuxuu ku salaysn lahaa wacyiga jira haatanse waa kalidii taliye uun taasna wuu ku jabi dalkana meel gaadhsiin mayso is adkaynta mud. Madax wayne Muuse. Shalay bay ahayd madaxwayne Cigaal Markuu kulahaa “dalkan dhiig baanu u daadinay salaadiintiibad tidhi iisoo galimaysaan, siyaasiyiintii baan caydhisay xageed ku wadaa dalkan taladaadu meel ma gaadhsiin madaxwayne Igal ?  yeelimayno talo kaligaa kuu afduuban waa hadalkii Muuse Biixi wakhtigaa. Bal adba dhugo xaajow halkuu ku wadaa mud. Madaxwayne Muuse Biixi Dalkan. Eeshqiyaasak isdhagayso Mudane Madax wayne shalay iyo maanta .

2.Dhaqaale urursi: Mud. Madaxwayne Muuse Biixi in manta adoo ka war qaba xaalada umadaadu ku jirto halkaad ka shaqayn lahayd eed ganacsatada dhiig miiratada ah uga jihayn lahayd Miyaad sida golaha wakiilada ee 12 sano fadhiyay ee ka shaqeeya danahooda iyo mid ganacsi ee intay fadhiyeen hal qodob oo shacabka dan u ah aan ansixin sidooda ayaad dan cid iyo tu ganacsade ka shaqayn miyaa?

3.Qaraabo hiil: waxa nasiib daro ah diiniyana aan wanaagsanay in uurka iyo afku iswaafaqi waayaan gofka bili’aadanka ah madaxwaynuhu wuxuu ku ololeeyay in uu sharcigu sarayn doono cadaaladna uu ku maamuli doono dalka. Mud. Madaxwayne cadaaladaadu ma in digreeto kasto oo xil cid ugu dhiibayso dhaafi waydo reerkaaga iyo W/Arimaha gudaha Mohamed kaahin reerkooda. Ma waxaa kula qurux badnaatay ehelkaa in aad horaantiiba xukumadaada xil ugu dhiibto inaabtigaa rumaad oo ah xoghayaha dowlada hoose ee Gabilay Mustafe Haji Cabsiiye. Show arinkaagu wuxuu ahaa aan kuugu fadhiisto ee Isug waad dhargiye. Hees fanaan wayn oo reer Djibouti ah uu qaado baan midho kasso qaadanayaa baytka danbe waa Mohamed Adan Dugsiye.

Jilbiskaaa qaniiyada,

Intuu kuula jiifsado,

 kugu jiida micidee ee,

sowdigan jidhka isaraay,

Adoo jahawareer qabaa,

Sow kan jeenigaagii,

Jabaad iyo xass kula galay,

Qalbi kaa janjeedhiyo,

Wax aan jirin ku daashee,

Jidku yaanu kaa lumin.

4.Samo- Talis: Mud. Madaxwayne mee samo taliskii barbar taxnaa madaxwayne Cigaal ee ay kamid ka ahaayeen Haaji A/kariim, Sheekh Ibraahim Sh. Yuusuf, Sh. A/lahi Sh. Ali Jowhar. Ma waxaad garan wayday Gudoomiyaha Golaha Guurtida in aad ka qaado Saleebaan Adan ood keento Samo talis ka ku hadhay golaha guurtida Xil. Abw. DHEEG ?

Qof kaliya oo ku agjooga oo talo aad ku meelmarto ku siiya ma arkayo taadana meel ku gaadhsin mayso oo hortaa bay rag ku jabeen.

Samo-Talisna waxaa kaa dhigi dadka aad talada la wadaagto oo ah dadkii ku haboona ee aqlu saaxibka ah rabana dalkan in dhaxal looga tago maad xulan kari waayine arinkaagu waa Islaantii lagu yidhi wakaa ninka qaba inantaada ee markay aragtay nin dheer oo xoog wayn madowna tidhi kamuu dhali kari waayine wuu hagranayaa!!.

Ana waxaan aamin sanahay mud. Madaxwayne maad xulan kari waayin dad aad taladooda ku meel martee wanad ugu talo galin in talo wadaag la yeelato dadka aqli saaxibka ah.

5.Diinta: ku dhaqanka diintu waxa ay leedahay arrimo badan oo ay kamid yihiin furfurnaan ama dabacsani bulshada u yeelato iyo wada tashi aad la tashato bulshadaada baad ku meel mari kartaa mud. Madaxwayne muuse mee hortaa jire Siyaad Barre, Qadaafi, Ali Abdala Salax maxayse ka dhaxleen kalidii talisnimada ? waa kuwaa inaga daran intuba ee iscunaya.

6.Dad yaqaan: Majirto cid kaa taqaan dadka iyo deegankaba hadan maad soo xulan dadkii ugu haboonaa ee dalkuna uu u aayi lahaa garan  waayay sababtuna waxa ay tahay. Xukumadii kaa horaysay waxa ay na bartay oo uu keenay madaxwayne Siilanyo  qurba joog ayaxa kadaran oo lafaha intay dhaafeen dhuuxa dadka cabay. Mud. Madaxwayne muuse adna waxaad na bartay ood noo keentay kuwa kasii daran oo kayimid UN iyo Ururada Caalamiga ah oo halka musuq-maasuqu ka soo bilaabmo ah ayaa gondahaaga hoos jooga. Mee waaya aragnimadii aan ku bidayay ee 30 ka sano umadan aad dhex joogtay ee dareenkii iyo damqashadii shalay eed danyarta ulahayd ma aan gaadho kursigay ahayd iyo albaabada madaxtooyada eed iskusoo qufushay miyaa?

7.Mee Ku xidhnantii bulshada Shalay: Bulshadu may filanayn adadayg iyo dhagaha ood furaysato e mee talo wadaagii iyo dhagaysigii bulsho eed lahayd shalay ma waxay ahayd dantayda aan gaadho oo kursiga aan kugu gaadho?

8.Kalidii Taliye: Taladaan la ruugin waa lagu rafaadaa: mud. Madaxwayne sheikh iyo shariifba diidaye xageed ku wadaaa dalkan? Qofba dariiquu maro uun buu maxsuulkiisa helayaa in aad baal dahaba ku dhex yeelato umadan ood wax dhaxal gala uga tagto iyo in magacaagu hadal qaad yeelan waayo aakhirana xisaab kaaga horayso adigay gacantaada ku jiraan labaduba   mid bayna noqon doonta.

9.Cadaalad: Mudane madaxwayne sharciga saraynayaa ma waxa weeyi reerkaaga meelkasta udhiib miyaa? Filashadii shacabka ma waxaad kadhigtay Riyo Saabka Ha u Tolan. Mud. Madaxwayne intaad musharaxa hayd iyo imika intaa aad talada dalka haysay khudbad kasta ood meel kasta ka jeediso cadaalad baanu ku shaqaynayaa ayaad tidhaa mana arko cadaalad aad wade arinkaagu waa islaantii iibinaysay khamriga ee tidhi xaqaan iska eegayaa!. Eeshqiyaasak waxaan ka shaqaynayaa cadaalad reerkaygana dhaafi mayo. Dee waa waxay kuu dhasho mud. Madax wayne.

10.Dadka Maanta: Waxaan manta qirayaa dadka manta dalka ku nool cida madax Ilaahay uga dhigo Boqol xanuun buu qaadayaa. Waayo rag siyaasi wada noqoy ninka geela eegayaa ku hamiyaya in uu madaxwayne noqdo. Mansabkaba waxaa loo haystaa kursiga fuulistiisa.

Waa nasiib daro cidii lahagi lahaa uu rabo in uu wax hago.

Talada umada loo qabanayaa maaha ka shaqaysi e waa in umadan dan yarta ee la daalaa dhacaysa duruufaha dhaqaale daro ayaa manta qurbaha looga shaqo imanayaa waa nasiib daro ku habsatay bulshada reer Somaliland. Ilaahaybaase keeni kii ka saari lahaa ee wax dhaxalgala uga tagi lahaa. Yaa Rabbi cidna uma maqna ceelna uma maqna Illaahow adaan gurmadkaaga sugaynaa

Fikirka ka danbeeya qoraalkan waa mid ku kooban aragtidayda taas oo ay igu dhalisay shacabka duruufo adag ladaalaa dhacaya sida dhaqaale xumo, caafimaad daro, biyo la’aan iwm, ee hadana loo soo shaqo tagayo ee malaayiin laga urursanayo laguna dhisto fooqaq dhaadheer wadanka gudihiisa iyo dibadiisaba.

QALINKII : Hamse Suleiman Osman ( Hamse Cirro )

E-mail: hamseciro@gmail.com

Tell: +252 63 446 6670

COMMENTS
LINKS