WAJAALE NEWS

Cir Iyo Dhul Baynu Isku Jirnaa!Qalinkii; Barkhad-ladiif Cumar.

Maalin walba waxay dood ku dhexmartay goobaha la iskugu yimaado dadka kala taageersan qaabka madaxweynuhu wax u wado iyo qolooyinka dhaliila, waxaanay doodaasi ku dhamaataa iyagoo aan is fahmin waxna meel isla dhigin,isla markaana mid waliba isku arko inuu saxsan yahay:

Labada kooxood ee kala aragti duwan waxaynu u kala bixinaynay Saxanne iyo Tilmaame, sida uu nidaamku u socda qofka u arka inay sax tahay waxaanu u bixinay Saxanne, qof u arka in nidaamka wax loo wada wax ka khaldan yihiinna waxaynu bixinay Tilmaame, laduba danta qaranka ayuu mid ba dhinac ka eegayaa, waxaana saldhig u ah aragti shacabka ee habeen iyo maalinba ka doodda xaaladaha jira.

Tilmaame: qolodiinin odhan jirtay horaa loo soconayaa waxaan u malayni inaad ula jeedaan dibaa loo soconaya, bal toban bilood baad xilka hayseen hadana wax muuqdo oo la taaban karo la idinkama hayo.

Saxanne: Dee waxaad u baratay uun in la hadlo oo la faanno, anaga balantayadu waa shaqo, waxaanu doonayna in dadka indhahooda wax cad la tuso, wakhtina kuma lumino inaan u jawaabno afmiishaarka, waxqabadkayagana dhowaan baan maqal iyo muuqaal idinku tusaynaa.

Tilmaame: Bal inta aanu muuqaalkaasi soo bixin dhawr wax qabad oo aan u garaabi karo iiga tilmaam ?

Saxanne: Waxa u weyn ee aanu ku faanni karnaa waa inaanu nidaamkii dawladnimo iyo shaqadiiba hagaajinay oo mararka qaarkood shaqadu nagu gaadho galinka dambe ama habeenimo, waxaanu la kulanay wakhti dhaqaale daro jirtay, laba mid baa nala gudboonaaday in shirkadaha ganacsiga lacag ka amaahanno iyo in aanu sugno inta lacagtayada ururinayno, waayo haddii aan shirkadaha lacag ka amaahanno go’aamo badan oo hadda noo fulay oo wax qabad ahaa nooma fuleen oo af wax cunay xishoo bay noqon lahayd, waxaana ganacsatada ka qaadnay go’aamo qadhaadh, waayo way kala hor koreen ganacsatadii iyo dawladnimadii, waxa kale oo aanu hagaajinay nidaamka shaqo oo wasiir walba xafiiskiisa wakhti walba waa laga helayaa oo waa laga joojiyey wasiirkii hoteelada iskaga raaxaysan jiray iyadoo beelahda xafiiskiisu taallo, sanadkan ka bacdina mashaariic faro badan baanu dalka ka hirgalinaynaa.

Tilmaame: maanta hadii doorasho la gallo xiita boqolkiiba toban maad keenteen, waxa la idinka filayey iyo sidaad noqoteen waa kaaf iyo kala dheeri, waxaad sii kordhiseen sicir bararkii iyo dhaqaalo xumadii oo mudadii aad joogteen lacago badan baad ku kordhiseen alaabooyinkii soo degayey ee Gaadiidka ka mid yihiin, waxaana qoladiinin la idinku xantaa inaad lacag jeceshihiin oo waxa kaliya ee ka fikirtaan tahay sidii lacag loo kordhin lahaa waana ta keentay in gaadiidkii numbarkoodii hore lacagta laga iibiyey inaad mar labaad numbar kale ka iibisaan oo aad ku qasabtaan inay dadku numbarka cusub qaataan, inaad qasab kaga dhigtaan may ahayn ee kii doonaya inuu numbarkiisa bedelo uun lacag ku xidhaan, waxa kale oo aad kordhiseen gaadhiga cusub numbarka lagu xidhayo oo aad afar jibaarteen, waxaa la idinka filayey inaad culayskan dadka ka qaadaan balse culays kale uun baad sii saarteen.

Saxanne: waxaanu mudadaasi gaaban qabanay kuwii naga horeeyey may qaban, waxaanu yaraynay musuqmaasuqii, waxaanu xilal u dhiibnay dhallinyaro firfircoon oo shaqo badan, hal ku dhegayagu waa shaqo iyo aamusni, waxaanu kor u qaadnay wax soo saarkii, waxaanu wadnaa oo gabogabo ah wadadii Ceerigaabo, waxaanu adkaynay amnigii oo numbaradan aad ka cabanayso waxay xoojinaysa amniga, waxaanu samaynay xeer nidaamiye masuul walba shaqadiisa tilmaamaya.

Tilmaame: waxaad tidhi wax soo saaraa!!!! , awalba hadhuudhka waa la beeran jirey ee waxa la idinka filayey inaad bariiskii iyo khudaartii beertaan, laakiin hadhuudh dadka beeraha lihiba way beeran jireen, waxa la idinka filayey inaad dhistaan warshadii sibidhka oo kumanaan dhalinyaro hawlgalisaan, inaad dhistaan warshadii milixda, waxaad isku haysataan iyo waxa la idinka aaminsan yahay cir iyo dhul bay isku jirtaa.

Exit mobile version