Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beel Isku Raacay Musharaxa U Tartamidoona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beel Isku Raacay Musharaxa U Tartamidoona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.
October 10, 2018 - Written by Editor:

Hargeysa(W,N)-Shir Balaadhan oo ay Dhawaan iskugu yimaadeen Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa ay kusoo xuseen Musharaxa u matalidoona doorashada Golaha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

taageero murashax

beel 22 beel 26 beel 25

Beeshan oo kamida beelaha Miisaanka culus ku leh deegaanka Caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay Musharaxnimada Golaha Deegaanka u xusheen iskuna raaceen inuu u tartamo Engr.Cabdixakiim Maxamed Cali oo kamida Aqoonyahanka firfircoon ee Beesha Cabane Cabdale , oo dhankiisa soo dhaweeyey xulashada Beeshiisu u xulatay inuu u tartamo Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

beel 24 beel 23

Kulankan oo ahaa mid ay iskugu yimaadeen dhamaan Cuqaasha Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa kamid ahaa cuqaashii madasha joogtay .

 

Caaqil Axmed Aw Nuux Ibrahim

Caaqli Dheeg mahad Maxamud

Caaqil C/raxman C/lahi Axmed

Caaqil Abshir C/lahi Raage

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE FARXAAN BARKHAD

COMMENTS
LINKS