WAJAALE NEWS

Madax-dhaqameedka Iyo Waxgaradka Beel Isku Raacay Musharaxa U Tartamidoona Doorashada Golaha Deegaanka Caasimada Hargaysa.

Hargeysa(W,N)-Shir Balaadhan oo ay Dhawaan iskugu yimaadeen Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa ay kusoo xuseen Musharaxa u matalidoona doorashada Golaha Deegaanka ee fooda inagu soo haysa.

Beeshan oo kamida beelaha Miisaanka culus ku leh deegaanka Caasimada Hargeysa iyo nawaaxigeeda ayaa waxa ay Musharaxnimada Golaha Deegaanka u xusheen iskuna raaceen inuu u tartamo Engr.Cabdixakiim Maxamed Cali oo kamida Aqoonyahanka firfircoon ee Beesha Cabane Cabdale , oo dhankiisa soo dhaweeyey xulashada Beeshiisu u xulatay inuu u tartamo Doorashada Golaha Deegaanka ee Caasimada Hargeysa.

Kulankan oo ahaa mid ay iskugu yimaadeen dhamaan Cuqaasha Waxgaradka iyo Aqoonyahanka Beesha Cabane Cabdale Siciid ayaa waxa kamid ahaa cuqaashii madasha joogtay .

 

Caaqil Axmed Aw Nuux Ibrahim

Caaqli Dheeg mahad Maxamud

Caaqil C/raxman C/lahi Axmed

Caaqil Abshir C/lahi Raage

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE FARXAAN BARKHAD

Exit mobile version