Xukuumada Jsl Oo Aan Wali Gacanta Kusoo Dhigin Dablaydii Afduubtay Gaadhiga Shirkada Oomaar Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Ganacsatada Reer Somaliland. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xukuumada Jsl Oo Aan Wali Gacanta Kusoo Dhigin Dablaydii Afduubtay Gaadhiga Shirkada Oomaar Iyo Dareenka Ay Ka Bixiyeen Ganacsatada Reer Somaliland.
October 10, 2018 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N)-Xukuumada Somaliland ayaan Wali gacanta Kusoo dhigan Dablay Dhawaan Bariga Magaalada Hargaysa   ka Qafaashay  Gaadhi Xamuul ah oo ay lahayd Shirka Oomaar Company Oo kamida Shirkadaha Waawayn ee Ganacsiga  Somaliland.

oomaar

Falkan  lagu qafaashay Gaadhi shirkan ayaa waxaa gurmad ka galay ciidanka booliska somaliland oo ku guulaystay in ay soo qabtaan gaadhi wallow kooxdii falkan gaysatay ay baxasadeen wali aanay xukuumadu soo qaban wax talaabo ahna aanay ka qaadin gaabi goobka kooxdii falkan fulisay.

gaadhi xamuul ah

Dhacdan ayaa noqotay mid  saamayn balaadhan ku yeelatay guud ahaan bulshada Somaliland gaar ahaan bahda ganacsi taasi oo ganacsatu ka bixiyeen dareen culus kana biyo diideen falkan  oo ah mid ku cusub guud ahaan gayiga Somaliland tan iyo intii ay Somaliland jirtay oo ganacsigu ahaa mid fur furan mid bari ilaa galbeedna ay si siman uga wada ganacsadaan iyadoo aanay jirin wax kala qoqob ah iyo cid gaar ay kooxi bartimaameed sato.

Waxaay guud ahaan ganacsata reer Somaliland falkan ku tilmaameen mid loo baahan in meel looga soo wada jeesta waxka qabashadiisa iyagoo guud ahaan falkan ka istaagay meel isku mida

Mar aanu laxidhiidhay Qarkamida ganacsada kala duwan ee dalka ayaa waxay iskumida kaga jawaab celiyeen sidan “hadii aanu nahay ganacsada reer Somaliland waxaan canbaaraynayaa falkan lagu kacay  gaadhi shirkada Oomaar Copany kaasi oo ah mid ay fuliyeen dad wax magarato ah una baahan in laga qado talaabo adag waxaan xukuumada usoo jeedinayaa in kooxdaasi lamariyo sharciga si looga hortago falalka noocan ah, oo ay ku kacaan dadka waxma garatada ahi iyo cid dano gaara lihi.

Sidoo kale xubahan ganacsada ah  ayaa waxay baaq udireen bulshada reer Somaliland “Somaliland waxay ku caano maashay waxwada qabsi iyo furfuraanta ganacsiga mana ogolin cid bulshada uhorseeda kala qaybin iyo iska hor keen aan ku salaysnay caqli oo ay hagayso ficil aan loomeel dayin.

“Falka lagula kacay shirkada Oomaar waa mid lagula kacay dhaaman ganacsada Somaliland waxayna kasoo horjeedaa wada noolaanshaha bulshada Somaliland iyo tartanka ganacsiga xorta ah.

Arintan ayaa noqotay mid Bulshada reer Somaliland  gud ahaan ka bixiyeen dareen cadho leh taasi oo halahaynteedu ku badnayd goobaha ay iskugu yimaadaan bulshadu ee kala duwan.

Maaha Markii U horaysay ee falka lagula kacay gaadiidka shirkada Oomaarka Company iyadoo shan sano kahor isla kooxadani ay  duubeen gaadhi ay leedahay shirkada Oomaar

Sidoo kale waxaa fal noociisu ku cusub yahay guud ahaan  kooxo caruur iyo dhalinyaro iskugu jiraan magaalada burco ku weerareen dhismaha shirkada Oomaar xiligii lagu dhawaaqay Najiida doorashadii madaxtooyada ee dabayaaqadii 2017 Magaalada burco dhacdadaasi oo ahayd iyana mid guud ahaan dhawac ku ah qaranimada Somaliland iyo wada jirka bulshada

Sikastaba ahaatee bulsho waynta reer Somaliland ayaa isha ku haya sida ay xukuumada talaabo uga qado cidkasta oo ku kacda falalka noocana taasi oo hadii aan laga hor tagi horseedi karta cawaaqib xumo ka bilaabanta gobolada Somaliland saamayna ku yeelata koboca ganacsiga xorta ah iyo tartanka loogu jiro horumarka suuqa ganacsiga somailand.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

WARIYE CABDIQAADIR HABANE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS