Itoobiya: Ciidamo Gadoodsan oo Tagay Xafiiska Abiy Ahmed | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Itoobiya: Ciidamo Gadoodsan oo Tagay Xafiiska Abiy Ahmed
October 11, 2018 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dhowr boqol oo kamid ah ciidamada Itoobiya ayaa socod ku tagay xafiiska Ra”iisal wasaaraha dalkaas ee magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa iyagoo dalbanaya in mushahaarka loo kordhiyo. xaaladdaas ayaa keentay in waddooyinka qaar la xidho khadka interner-kana si ku meelgaadh ah loo xidho.

Shacabka magaalada Addis Ababa ayaa waxaa soo wajahay walaac loo qaateen ah kadib markii boqolaal kamid ah ciidamada dalkaas oo ku labbisan daraska ciidanka qaarkoodna ayba hubaysnaayeen ay socod ku tageen xafiiska Ra”iisal wasaaraha Itoobiya.

Ciidamadan oo ah kuwo siggaar ah u tababaran ayaa loo oggolaaday in ay hor tagaan xafiiska Ra”iisal wasaare Abiy Ahmed.

Balse markii uu Ra”iisal wasaaruhu uu soo baxay si uu ula kulmo kuma aanu farxin in qaarkood ay dareen dhaliyeen hubkii ay siteen awgeesiis.

sidaas darteen wuxuu faray in ay kac fadhiistaan oo ay jimicsi sameeyaan, taas oo ciqaab ku ahayd ciidamadii hubaysnaa.

Farxaddii ka muuqatay sawirrada ayaa laga dheehan karey in loo meel mariyey dhammaan wixii ay codsadeen.

Abiy1 Abiy2

 

COMMENTS
LINKS