Wasiirka Gaadiidka oo Is-hortaagay Isku Shaandhayn Maareeyaha Hay”adda Wadooyinku Ku Sameeyay Agaasime Waaxeedyada Hay”addaasi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Gaadiidka oo Is-hortaagay Isku Shaandhayn Maareeyaha Hay”adda Wadooyinku Ku Sameeyay Agaasime Waaxeedyada Hay”addaasi
October 11, 2018 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Wasiirka wasaarada gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland Cabdilaahi Abokor ayaa waxaa uu is hortaagay isku shaandhayn uu maareeyaha Hay”adda Waddooyinku ku sameeyey agaasime waaxeedyada Hay”addaasi.

Qoraal uu Wasiirka gaadiidku u diray Maareeyaha Hay”adda wadooyinka ayuu ku sheegay in aanay waxba ka jirin isku shaandhaynta uu sameeyey Maareeyaha Hay”adda waddooyinku.

Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka ayaa warqada xafiiskiisa ka soo baxday ayaa waxa uu si amar ku taaglayn iyo awood sheegasho ah ugu hanjabayaa maareeyaha Hay”adda horumarinta Waddooyinka Somaliland Cismaan Sheekh Cabdi, isaga oo adeegsaday eraydan “Awood sharci iyo mid maamul toona uma lihid inaad magacaabis, xilal cusub, abuuris waaxo cusub iyo xil ka qaadis ku samaysid agaasime waaxeedyada wakaalada horumarinta waddooyinka.

Waxaanan go’aamiyey in aan buriyo waraaqda sumadeedu tahay Ref:RDA/MG/246/2018, waxaan ku farayaa inaad u hogaansanaato xeerarka iyo shuruucda maamul ee dalka, haddii kale waxaan kaa qaadi doonaa talaabo sharciga waafaqsan oo aad ku mudan karto in shaqada lagaa joojiyo maadaama aad caadaysatay khilaaf iyo sharci jabin joogto ah.”

Qaabka uu Wasiir Cabdilaahi Abokor ugu hanjabayo maareeyaha Hay”adda wadooyinka Somaliland ayaa laga dhadhansan karaa in wasiirku u mareexaanaynayo maareeyaha, isla markaana la dareemayo inuu awood dheeraad ah haysto maadaama oo uu shaqo joojin ku hanjabayo.

Maareeyaha Hay”adda wadooyinka ayaan dhiniciisa wax jawaab ah ka bixin warqada amarka ah ee uga timid wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, iyada oo warqadana si toos ah loogu socodsiiyey masuuliyiinta cusub ee uu magacaabay maareeyuhu kuwaas oo la farayo in aanay waxba ka soo qaadin magacaabista Maareeyaha Hay”adda Waddooyinka.

 

WASIIRKA GAADIIDKA1 WASIIRKA GAADIIDKA2

 

COMMENTS
LINKS