Arda Turan oo booliiska Turkigu su’aalo waydiiyeen, kadib markii uu sanka jabiyay heesaa caan ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Arda Turan oo booliiska Turkigu su’aalo waydiiyeen, kadib markii uu sanka jabiyay heesaa caan ah.
October 12, 2018 - Written by Reporter:

Ciyaartoyga caanka ka ah dalka Turkiga Arda Turan ayay booliiska Turkigu su’aalo waydiiyeen, iyadoo la hadal hayo in uu sanka jabiyay heesaa caan ah.

Muranka la sheegay in uu dhex maray ciyaartoyga iyo fannaan Berkay Sahin ayaa horraantii toddobaadkan ka dhacay goob habeenkii lagu caweeyo oo Istanbul ku taalla, sida ay ku warrantay warbaahinta turkiga.

Turan oo 31 jir ah ayaa muddo saddex saacadood ah su’aalo lagu waydiiyay xarun booliis ka dibna waa la sii daayay, sida uu daabacay wargeyska Hurriyet ee maalin walba ka soo baxa dalka Turkiga.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara ayaa amaah ahaan ugu ciyaara kooxda Basaksehir isaga oo kaga yimid dhanka Barcelona.

Wuxuu sidoo kale u ciyaaaraa xulka qaranka ee Turkiga.

Labadan nin ayaa la sheegay in ay isku maandhaafeen goob lagu caweeyo oo ku taalla deegaanka Emirgan ee magaalada Istanbul toddobaadkii hore.

Fannaanka oo loo yaqaanno Berkay waxaa goobta lagu caweeyo ku wehelisay xaaskiisa Ozlem Ada Sahin marka ay Turan isku dhacayeen.

Sahin ayaa wargeyska Haberturk u sheegtay in ciyaartoygu uu six un ula hadlay iyada ka dibna uu ninkeeda weeraray.

Berkay oo aad looga yaqaanno Turkiga ayaa loo sii qaaday isbitaal si qalliin loogaga sameeya sankiisa oo jabay.

COMMENTS
LINKS