Sheekh Aadan-Siiro Oo Mar Kale Madaxweynaha Jsl U Soo Jeediyey In Laga Fiirsado Heshiiska Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sheekh Aadan-Siiro Oo Mar Kale Madaxweynaha Jsl U Soo Jeediyey In Laga Fiirsado Heshiiska Saldhigga Imaaraadka Ee Berbera.
October 12, 2018 - Written by Editor:

“Ninka Illaahay La Doono Inuu Khayr Ummadda U Hoggaamiyo Wuxuu U Sameeyaa Wasiir Wanaagsan..”Sh, Aadansiiro.

“Madaxweynaha Waxaanu Leenahay, Shaqo Walba U Samayso Dadka Ugu Aqoonta Badan Ee Aan Kuu Habraneyn…”sh, Aadan.

Hargeysa (WJN) – Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa mar kale Madaxweynaha Somaliland iyo Xukuumaddiisa u soo jeediyey inay ka fiirsato Heshiiska Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadka Carabta laga siiyey duleedka Magaalada Berbera ee Somaliland.

Sheekh Aadan-Siiro waxa kale oo uu ka hadlay Ahmiyadda Diinta Islaamku siisay in Hoggaamiyeyaashu Ummaddu ay la tashadaan Dadka aqoonta u leh hadba Hawsha Taalla ee Ummadda saamaynaysa.

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud oo Arrimahan iyo kuwo kale oo muhiim ah kaga hadlay Khudbaddii Jimcaha ee Maanta ayaa isagoo ugu horreyn ka hadlaya dhibaatada ka jirta Waddamada Muslimiinta ah ee Somaliland ka mid tahay wuxuu yidhi “Waddamada Muslmiinta ah waxaa halkaa dhigay Maanta, Nin wax ismooday oo aan waxba ahayn, Nin wax is mooday oo aan Dadkiisa la tashanayn, Nin wax ismooday oo aan Dadkiisa ururrinayn. Waxyaabaha uu Ninka Muslimka ah ee Dadka hoggaaminayaa uu ku guulaysanayaa waa wada-tashiga, wada-tashigaas oo Illaahay in badan Qur’aanka kaga warramay (Ahmiyaddiisa). Culimaduna waxay yidhaahdeen Qofka aad la tashanaysaa waa inuu Aqoon u leeyahay waxaad kala tashanayso, markaasi ka dibna waa inaad laba Rakcadood tukato oo aad Illaahayna (SW) talo saarato.”

Sheekhu wuxuu sheegay oo kale “Somaliland waa Heshiis Ummadi gashay oo lagu caano-maalay, waxaanu nahay Dadka taageersan Somaliland, Dad badana isku seegeen, laakiin waxaanu nahay Dadka ku taageersan in shareecada la fuliyo, waxaanu ku taageersan nahay in Dadka Caddaalad lagu Maamulo, waxaanu ku taageersanahay inaan Kooxi yeelan, waxaanu ku taageersan nahay inaan Xisbi gaar ahi yeelan, waxaanu ku taageersanahay inaan reer yeelan, sidaa darteed markaad doonayso in Somaliland wax noqoto haddaad kala tashato qaar Taariikhdooda la hayo oo aan jeclayn inay hore u socoto, sidee ayuu arrinkeedu noqonayaa ?, markaa Culimadu waxay yidhaahdeen Qofka aad la tashanaysaa waa inuu noqdaa Qof wanaagga kula jecel oo naasix ah oo aan aanay ujeeddo kale ugu jirin waxaad kala tashanayso.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay heshiiska Saldhigga Milletari ee Dawladda Imaaraadku ka dhisanayso Berbera “Heshiiska Saldhigga Berbera waxaanu leenahay Xukuumaddu haka fiirsato, Madaxweynahani markii uu yimid waanu kala hadalnay (Arrinta Saldhigga Berbera), imikana waan ku celinayaa, Waar heshiiska Saldhigga Berbera aad ha looga fiirsado. Madaxweynaha waxaanu leenahay Dalkani maaha Dal la ictiraafay, Dal awood Milletari iskaga celin kara awood ka baxsan, Waddanka waa la innagu haystaa, Nimanka Dunida haysta ayaa innagu haysta, Waayo? Waddankani khayraad badan ayuu leeyahay, sidaa darteed heshiisyada innaga awoodda badan ee aad galayso waa inaad aad iyo aad uga fiirsato oo aad Dadka kala tashato ayaanu leenahay Madaxweynaha intaan saxeexyada dambe la gaadhin. Waan ku celinayaa Adduunka isbeddelo badan ayaa ka socda ee aad inooga hubsada heshiiskaa Saldhigga Berbera.”

Sheekh Aadan-Siiro oo khudbaddiisa sii wada ayaa isagoo daliishanaya Axaadiis Nebigeena Muxamed (CSW) laga weriyey wuxuu ka hadlay doorka Madaxda Madaxweynaha ka hoos shaqeeyaa ku leeyihiin Taladiisa “Bal u fiirsada Xadiiskan uu Bukhaari ka weriyey Rasuulka ‘Nebi illaahay ma soo saaro, Madaxweyne-na khaliif kama dhigo, khaliifna ma wakiisho, haddiise ay dhacdo laba Saaxiib hoosaad ayaa u sugnaada Madaxweynahaas, labada Saaxiib midkood wuxuu faraa waxa wanaagsan, Saaxiib hoosaadka kalena wuxuu ku booriyaan xumaanta, sida reer Hebel adigay ku hadal hayeen ee iska celi, haddaanad iska celin arrinkeenu arrin noqon maayo. Laakiin ka nabadgalay waa Ninka Dadka wanaagsan isku ururriya.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Xadiis kale wuxuu odhanayaa ‘Ninka illaahay Madax idiinka dhigo ee uu la doono inuu khayr ummadda u hoggaamiyo wuxuu u sameeyaa Wasiir wanaagsan, haddii uu arrin iloobo wuu xasuusinayaa, hadduu xasuustana wuu ku kaalmaynayaa  oo wuu kula shaqaynayaa ayuu yidhi Rasuulku.’

Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud wuxuu Madaxweynaha kula taliyey inuu ururrsado Dad aqoon u leh Shaqooyinka ay qabanayaan “Labadaa Xadiis Madaxweynaha ayaynu u diraynaa,  waxaanu leenahay Madaxweynaha waar Dad wanaagsan samayso, Shaqo walba Dadka ugu aqoonta badan ee aan kuu habranayn u samayso, waayo? Qof laba Kun ku wayn yihiin waxna aan kugu soo celinayn, Adigana wuu ku jebinayaa, Ummaddana wuu jebinayaa..”ayuu yidhi.

COMMENTS
LINKS