Dhulka soo anigu malihi, Afka soo anigu malihi. Qalinkii: Fuad Fartaag | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhulka soo anigu malihi, Afka soo anigu malihi. Qalinkii: Fuad Fartaag
October 13, 2018 - Written by Reporter:

Degelada aduunka ee dadku uu ku dhaqanyey waa lakala leeyey oo qoomiyad walba halka ay degto ee u hoyga ah ayey sheegataa kuna sheegtaa dhulkoodii iyo dalkoodii, iyada oo taasi jirto ayaa hadana deegaanada lagusoo kala horeeyey loona ogyey dadkii bilow ama asal ahaan degenaa ee loogu yimi iyo afkoodii, tusaale hadaynu usoo qaadano dalka maraykanka Waxa loogu yimi hindida cas ama cali-baystay se hada yurubiyan iyo afrikaan iyo ummad qaarado kale kayimi ayaa wada degen Hoy dalna uu u wada yahay, afka lagaga hadlaana waa ingiriisi, sidoo kale wadamada aduunka sooyaalka taariikheed ee dal badanaa waa lagu xusaa dadkii loogu yimi dhulka iyo sidoo kale luuqada afka ee ay ku hadlaan ciddii asal ahaan lahayd marka laga reebo dadka ku dhaqan geeska afrika!.

Dadka ku dhaqan dhulweynaha geeska afrika waa qoomiyad degta dhul baaxad Weyn oo SHAN Dal iyo Dheeraad ah, waa qoomiyad leh sasaan iyo suurad isku eeg sheegatana SOOMAALI, waa qoomiyad leh af lagu hadlo oo mid ah oo layidhaa AF-SOOMAALI se leh deegaan iyo si ugu hadalkii lahjadeed, waa dad leh hab nololeed dhaqan iyo hido ay ku dhaqmaan oo layidhaa DHAQAN-SOOMAALI,waa dad leh aqalo ay iyagu samaystaan oo dhistaan oo layidhaa AQAL-SOOMAALI, waa dad leh shuruuc iyo xeerar soo jireen ah oo kala haga kalana jiheeya oo layidhaa XEER-SOOMAALI,waa dad hal DIIN wada haysta, waa dad leh waxyaabo badan oo iyaga ugaara oo ay kaga soocmaan qoomiyadaha kale ee ladega geeska afrika.

Dadka Soomaalida ahi waa dad wada sheegta inay wada yihiin dadka iyo qoomiyada leh deegaanka geeska afrika kuna dhaata  Soomaalinimada hide,dhaqan iyo afba, hadana dhanka kale hadaad hoos u dhugatid waa dad badankoodu sheegta kuna faana inay meel kale kasoo jeedaan siiba wadamada bariga dhexe, se hadaad u kuurgasho waxaad ogaanaysaa inaanay Diinta islaamka waxaan ahayn la wadaagin dadyowgaa ay sheeganayaan inay kasoo jeedaan, se hayskaba sheegtaane Waxa iga Su’aal ah dadka Soomaalida ah ee geeska afrika ku nool kuwee ayaa asal ah oo dhulka loogu yimi oo lagu dhex milmay af iyo dhaqan?sidoo kale Aasaarta qadiimiga ah ee laga helay dhulka Soomaalida dadkii katagay iyagu SOOMAALI miyey ahaayeen?

INTII FAKARAYSA EE GARAAD FAYOW AYAA KA JAWAABI!.

dhulka soo anigu MALIHI, afka soo anigu MALIHI, aasaarta qadiimka soo anigu MALIHI.

Waxaad leedahay waa waxaad leedahay ee wax la’aan hays bidin!!

Qalinkii Fuad Fartaag

COMMENTS
LINKS