Is-barbardhiga Taariikhda Hargeysa iyo Istanbul iyo siday ula macaamileen madaxdooda | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Is-barbardhiga Taariikhda Hargeysa iyo Istanbul iyo siday ula macaamileen madaxdooda
October 15, 2018 - Written by Reporter:

Istanbul TAARIIKHDEEDA. Magaaladan maanta loo yaqaan Istanbul waxay ahayd meel dadkii ugu horeeyey ay degeen 3 kun oo sano ka hor. Waxaa aasaaskii hore lahaa dad la odhan jiray (Thracian Tribes). Qarniyadii 11kii iyo 13 kii waxaa loo yaqaanay Lygos. Markii u horeysay waxaa soo gumaystay magaalada Giriigii hore WAXAANAY Giriigii u BIXIYEEN Byzantine. Waqtiyo Giriigii ka dambeeyey waxaa qabsaday Romans kii oo iyana u bixiyey Constantinoble (Qasdandin). Dawladii Osmaniyiintii ee Muslimka ahayd ayaa Romans kii ka qabsanay iyana waxay u bixisay Istanbul. Magaaladu waxay ku taal meel aad u qurux badan oo ay iskaga xidhaan laba badood ee loo yaqaan MARMARAN IYO BLACK SEA. Waa magaalada ugu weyn Turkey ga uguna dadka badan illaa 25 malyuun Bay la ciirciiraysaa maanta.

Dhismayaal Caana oo dhaqaale badani kasoo galo dalka Tukreyga ayey Giriigii iyo Osman Empire kii uga tegeen oo laga dhaxley oo la daawadaa lana isticmaalaa weli, jiilba jiil u sii dhiibaa maamul a maamul usii dhiibaa waxaa ka mid ah the Blue Mosque oo Markii hore ahaa Kiniisad Orthogos ah oo Giriigii Dhisay markii Osman Empire oo Muslim Sunni ahaana masaajid Bay ka wada dhigeen kiniiisadii oo dhan illaa imikana waa lagu wada tukadaa. Topkapi Palace, Dolmabahce Palace iyo boqolaal meelood oo kale oo illaa hadda la istimaalo lana daawado quruxdooda.

Hadaba haddaan Hargeysa barbardhigo hoogeena e ilmo ayaa isku soo kaa taagaysa sida aynu xididada iyo taariikhda magaalooyinkeena ugu ciyaaro u a baabi’ino. HARGEYSA waxay bilaabantay dabayaaqadii kun iyo sagaal boqol iyo labaataneeyadii. Waxaa ay ka bilaabantay xafaddii la odhan jiray jameecada oo guryihii ugu horeeyey lixdaneeyadii iyo todobaatankii way soo gaadheen dhoobo ayuu lebankeedu wada ahaa. Magaceedii ugu horeeyey wuxuu ahaa JAMEECADA QURAANKA oo dadkii bugcadda degganaa ayaa mulcaamad quraankii u horeysay ka furay markii ba waa lagu soo yaa ay Quraankii oo wey fidday. Sheekh Madar oo fadhigiisu ahaa Bulaxaar oo Quraanka yaqaanay baa loo yeedhay oo macaliin kale ayaa goboladii Somalida looga yeedhay sidaasay magaaladii si dhaqso leh u Fiday.
Maqaalku wuxuu ku bilawday is barar dhig Istanbul iyo Hargeysa laakiin xaqiiqada waxaa la is barar dhigayaa waa maamulada soo MARAY Istanbul iyo kuwa soo MARAY Hargeysa. Sideedaba haddaad Quraanka eegto wuxuu inoo sheegayaa marka ummad laga hadlayo inay XUMMAANTU KA TIMAADO XAGGA MADAXDA EE AANAY KA IMAN XAGGA SHACABKA OO AY HOOS U SOO DAADEGTO XUMMAANTU EE AANAY KOR U SOCON markaa dhiboo dhan madaxbaa wadanka ku samaysay. Hargeysa waxay dhaxal u lahayd Taariikh iyo Dhismayaal Xukuumaddii uu SIILAANYO ka xanuunsaday way titir tay wuxuu baabiyey women’s club kii, Hargeysa club, Librarygii Gaandi, Theatre kii masaajid kii iyo gurigii Dawladda hoose ee Ingiriiskii dhisay 1953gii, dugsigii Sheekh Bashir, magtabadii Masaarida iyo qaar kaloo badan maanta Hargeysa wax Taariikh oo Siilaanyo uga tegay ma jirto. WAXAAN MADAXWEYNE MUSE BIIXI LEEYAHAY ‘  SIILAANYAA – DHAN – XIIREE – ADNA – MA- U DHUKURAYSAA. Waar taariikhda magaalooyinka ha laga illaaliyo waraaba yaasha. Berbera illaa hadda waxaa ku yaalla Masaajido Tugriigii inoo dhisay oo qoryaha ku jira aan dunida maanta laga helaynay dadbaa intaa leh iga iibiya. Waxaa loo baahanyey qaanuun taariikhda iyo dhismayaasha iibka ka illaaliya oo aan maamul QUDHI taaban karin iyo Madaxweyne kasta oo yimmaaddaa.
MBashe (Istanbuuli)
COMMENTS
LINKS