Ciyaartoy Barcelona u ciyaara oo dacwad lagu soo oogay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ciyaartoy Barcelona u ciyaara oo dacwad lagu soo oogay
October 16, 2018 - Written by Reporter:

Arda Turan oo ah ciyaartoy caan ah oo Turkiga u dhashay ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu la dagaalamay heesaa caan ah oo Turkiga u dhashay.

Dacwad oogeyaasha ayaa dalbaday in 31 jirkan lagu xukumo 12.5 sano dacwada loo haysto awgeed, taas oo keentay in uu sanka ka jabo Berkay Sahin oo heesaa ah.

Isfaham waaga labadan nin ayaa la sheegay in uu ka billawday baar ku yaalla Istambul, markii dambana uu hub lala soo baxay.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara ayaa amaah ahaan ugu ciyaara kooxda Istanbul Basaksehir, balse wuxuu ka tirsan yahay kooxda Barcelana.

d46ff48a-211d-452b-aee7-91e5d0439b08

COMMENTS
LINKS