Usain Bolt oo ku biiraya Valletta FC | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Usain Bolt oo ku biiraya Valletta FC
October 16, 2018 - Written by Reporter:

Kooxda difaacaneysa horyaalnimada dalka Malta ee Valletta FC ayaa u soo bandhigtay orodyahanki hore ee ciyaaraha orodka fudud ee adduunka Usain Bolt heshiis uu kooxdani kaga mid noqonayo si uu ugu ciyaaro kubadda cagta.

Bolt ayaa tan iyo marki uu ka fadhiistay ciyaaraha orodka, waxa uu shaaciyay inuu damacsanyahay inuu noqdo ciyaaryahan ciyaara kubadda cagta.

Todobaadyadi lasoo dhaafay wuxuu tababar la qaadanayay kooxda Central Coast Mariners ee dalka Australia.

 Usain Bolt

Telefishanka baahiya ciyaaraha ee ESPN ee dalkaan Mareykanka ayaa sheegay in Bolt uu kooxda Valletta FC ka helay qandaraas labo sana ah.

Waxaana suuragal ah inuu kooxdani u ciyaaro ciyaarta Super Cup-ka Malta ee ay 13 December la ciyaari doonaan kooxda Balzan.

Bolt ayaa horay ugu guuleystay sideed billadood oo dahab ah ee ciyaaraha olimbikada aduunka.

COMMENTS
LINKS