Waa Tee Hay’adda Usaraysa Garsoorka Dalku, Halkayse Haatan Ku Danbeeyeen Hawleheedi Shaqo? Qalinkii Garyaqaan Jicsin. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waa Tee Hay’adda Usaraysa Garsoorka Dalku, Halkayse Haatan Ku Danbeeyeen Hawleheedi Shaqo? Qalinkii Garyaqaan Jicsin.
October 16, 2018 - Written by Editor:

QORMADII KOWAAD:-

Inagoo ka duulayna ahmiyada dabaqaada iyo isku dhaqanka Sharci “ Rule Of Law “, maanka ku hayna muhiimada saraynta sharci “ Supremacy of Law “ dhamaanteena ogsoon in si siman masuuliyadi inooga saaran tahay ilaalinta isku xukunka iyo saraynta sharci, hadana waxaa hubaal ah in guud ahaan bahda ehelka u ah Sharciga ay saaran tahay masuuliyad gaar ah oo ku aadan bayaaminta talaabo iyo dhaqan kasta oo sharci, kaasi oo kobcin iyo horumar u noqon kara nidaamkeena maamul ee saldhiga u yahay Sharcigu, sidoo kalena noqon kara waxyeelo iyo hagardaamo ku aadan.

Garyaan Jicsin

Ugu horayn Gudidda Cadaaladdu waa Hay’adda u saraysa ee hogaamisa Maamulka Garsoorka dalka, isla-markaana ah mishiinka ama ubucda hawlaha garsoor idil ahaantood sida ay dhigayaan dastuurka qaranka iyo xeerka nidaamka Garsoorka labaduba waxayna ka kooban tahay 10 xubnood oo kala ah :-

Gudoomiyaha Maxkamadda Sare                                                    Gudoomiye

Labada Garsoore ee kusoo xiga xaga darajada Gud. Maxkamadda Sare. Xubno

Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka.                                                             Xubin

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cadaaladda                                          Xubin

Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha                                                         Xubin

Laba xubnood oo Golaha Wakiiladu labadi sannadoodba hal mar ka soo doorto dadweynaha kana kala tirsan aqoon yahanada & ganacsatada; iyo

Laba xubnood oo Golaha Guurtidu labadi sannadoodba ka soo doorto dadweynaha hal mar; kana kala tirsan dhaqan-yaqaanada iyo culimada Diinta.

Waajibaadyada kala gedisan ee ay u astaysan tahay Guddida cadaaladdu sida u dhigayo Qod. 50 aad ee Xeerka nidaamka Garsoorku waxay u dhigan yihiin sida tan :-

Magacaabista , Dalacsiinta, hoos u dhigidda, bedelaadda, anshax – marinta iyo xil-ka-qaadista,  Garsoorayaasha Maxakamadaha darajooyinka hoose, iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud

Wuxay ilaalinayaan xushmadda iyo dhawrsanaanta Garsoore ama Xeer-ilaaliye

Waxay fayl u furaan garsoore kasta iyo ku xigeennada xeer ilaaliyaha guud taasoo lagu kaydinayo dhammaan arrimaha khuseeya garsooraha iyo ku xigeenadda xeer ilaaliyaha guud, sida dallacaadaha, hoos u dhigidda, digniinta, abaal marinta

Waxay ku samaynayaan kormeer iyo daraasad dhammaan arrimaha garsoorka ugu yaraan sannadkiiba hal mar

Waxay oggolaadaan maamuus ka qaadista garsoore ama ku xigeen xeer ilaaliye guud haddii lagu soo ooggo danbi ciqaabeed oo guddidu garawsatay

waxay war bixin sanadeed qoraal ah, oo faahfaahsan oo ku saabsan shaqo gudashada garsooreyaasha iyo xeer ilaaliyeyaasha  u gudbisaa  Shirwaynaha Garsoorka Sanadka dhamaadkiisa

Waxa uu soo saara oo uu dhaqan galiyaa xeer hoosaadyo khuseeya magacaabista, mushaahaarka, gunnooyinka, tabobarada, bedelka,shaqo gudashada iyo anshaxa iyo asluubta garsoorka;

Waxay madax weynaha kala taliyaan magacaabista guddoomiyaha iyo garsooreyaasha Maxakamadda Sare.

Waxa uu soo saaraya xeer-hoosaadyada iyo hab-raacyada shaqo gudashada iyo maamulka hawlaha guddiga.

Wuxuu diyaarinayaa, dhaqaale u raadinayaa, dabagelayaa, fulinyaa barnaamijyada iyo qorshayaasha horumarinta iyo tayanta garsoorka iyo hawl-wadeenada garsoorka

Waxay diyaarinayaa, soo jeedinayaa, raadinayaa oo dabagelyaa baahiyaha garsoorka

Waxay ilaalinayaa, raadinayaa oo difaacayaa madaxbaanida, karaamada iyo xuquuqaha garsoorka

Waxay soo saarayaa xeer-nidaamyo, hab-raacyo, hagayaal, tilmaamo iyo wareegtooyin hawlgudashada garsoorka la xidhiidha

Wuxuu diyaarinayaa qorshayaasha lagu baahinayo garsooraka dalka

Wuxuu qiimaynayaa, la xisaabtamayaa garsoorayaasha iyo ku xigeenada xeer-ilaaliyaha, guud, go’aamona ka qaadanayaa

Waxa uu yeelanayaa xafiis maamul oo u gaar ah oo leh waax hawsheedu tahay kormeerka iyo baadhista garsoorka

Wuxuu ogolaanayaa ka dodayaa, dabagelayaa miisaaniyada Maxakamadaha hoose ee dalka

Wuxuu aqoon korodhsi iyo tababaro u raadinayaa hawl wadeenada garsoorka

Wuxuu soo jeedinayaa abuurida Maxakamado cusub ama xidhida kuwo hore u jiray

Waxa kale oo uu gudanayaa waajibaadyada kale ee uu xeerkan ama xeerar kale u xilsaaro

Kulanada Gudidda Cadaaladdu waxay noqonayaan kuwo caadiya iyo kuwo aan caadi ahaynba. Kulanada Caadiga ahi waxa ay dhacayaan bishiiba hal mar taasi oo ah khamiista ugu dambaysa bil kasta sida uu jidaynayo Qod. 52aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorku.

Si ay u qabsoomaan kulanada Gudidda cadaaladu,  isugu yeedhida xubnaha kala duwan waxa u igman Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ahna Gudoomiyaha Gudidda Cadaaladda sida u dhigayo Qod. 51 aad ( 2 ) Xeerka Nidaamka Garsoorka.

La soco Qaybta Danbe……….

Qalinkii Garyaqaan Maxamed Xasan Jicsin

Xaqsoorlf@Gmail.com

Tell : 00252 63 4431510

00252 65 4431510

 

COMMENTS
LINKS