Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Cafis U Fidiyo Kornayl Caarre iyo Jabhadiisa | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Mustafe Shiine oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Baaqay In Uu Cafis U Fidiyo Kornayl Caarre iyo Jabhadiisa
October 17, 2018 - Written by Reporter:

London (WJN)- Guddoomiyhii hore ee gobolada Awdal, Gabiley, Sool iyo maroodi jeex, Mustafe Cabdi Ciise “Mustafe Shiine” oo ka mid ah siyaasiyiinta sar sare ee xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxa uu ka hadley khilaafka ka dhex jira xisbi xaakimka Kulmiye iyo xilka qaadistii Jaamac Shabeel.

Siyaasi Mustafe Shiine oo u waramay telefiisshanka Bulsho Tv isagoo ku sugan magaaalada London ee Cariga Ingiriiska ayaa waxa uu si adag uga hadley tabashada Kornayl Caarre uu ka tirsanayo ciidamada qaranka, Isagoo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi u soo jeediyay in uu cafis fidiyo Kornayl Caarre iyo Jabhadiisa.

Dhinaca kale Siyaasi Mustafe Shiine ayaa waxaa kale oo uu ka hadley khilaafka cakiran ee ka dhex aloonsan xisbiyada mucaaridka iyo xukuumada ee ku aadan qabsoomida doorashooyinka, Isagoo sheegay in xukuumada Madaxweyne Muuse Biixi aanay diyaar u ahayn in doorasho dalka ka qabsoonto oo ay maagan tahay mudo kordhin ay u samayso baarlamaanka.

 

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS