Booliska Turkiga oo Baadhaya Guriga Qunsulka Sucuudiga ee Istanbul | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Booliska Turkiga oo Baadhaya Guriga Qunsulka Sucuudiga ee Istanbul
October 17, 2018 - Written by Reporter:

Isstanbul (WJN)- Dambi baadhayaasha waddanka Turkiga ayaa waxa ay galeen guriga uu deggan yahay qunsulka Sucuudiga ee magaalada Istanbul, si ay u soo uruuriyaan caddeymo dheeraad ah oo ku saabsan ninka la waayay ee Jamal Khashoggi.

Saraakiisha Turkiga ayaa waxa ay malaynayaan in weriyaha u dhashay dalka Sucuudi Carabiya la dilay mudadii uu booqanayay dhismaha qunsuliyadda 2-dii bishan October.

Qunsulka, Maxamed al-Cutaybi, ayaa Salaasadii waxa uu dib ugu laabtay magaalada Riyaad. Waxa uuna diiday inuu wax ka ogaa wixii ku dhacay Mr Khashoggi.

Sikastaba xaalku ha ahaadee, wargeys ka soo baxa dalka Turkiga ayaa waxaa uu daabacay in codka Mr Cuteybi laga dhex maqli karo cod la sheegay in laga duubay dhimashadii Mr Khashoggi.

Wargeyska Yeni Safak, oo aad ugu dhaw dowladda, ayaa waxa uu soo xigtay qunsulka oo sirdoonka Sucuudiga ee la sheegay in loo soo diray Istanbul ku leh: “Howsha bannaanka ku sameeya. Dhib ayaad ii keenaysaan.”

Goor sii horraysay, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee waddanka Mareykanka, Mike Pompeo, ayaa waxa uu arrinta weriye Jamaal kala xaajooday Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan iyo wasiirka Arrimaha Dibadda, mar uu Pompeo booqday magaalada Ankara.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa sheegay in shirku uu ahaa “mid faa’iido leh oo miro dhal ah”.

Salaasadii, Mr Pompeo ayaa waxa uu u safray magaalada Riyaad si uu wadahadal halkaas ugula soo yeesho Boqorka Sucuudi Carabiya Salmaan iyo Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan, kuwaas oo uu sheegay “inay si xooggan u diideen” inay wax lug ah ku leeyhiin weriyaha la waayay.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dhanka kale waxa uu ka digay in lagu degdego in la eedeeyo hogaamiyayaasha Sucuudiga, isagoo u sheegay Wakaaladda Wararka ee AP in hogaamiyayaashaas loola dhaqmay sida “iyagoo dambi leh ilaa laga xaqiijiyo inaysan waxba galabsan”.

Mr Khashoggi ayaa deggan waddanka Mareykanka waxa uuna wax ku qoraa wargeyska the Washington Post, dibad joog ayuu sanadkii tegay noqday kaddib markii lagu soo warramay in saraakiisha Sucuudigu ay uga digeen inuu dhaleecaynta ka joojiyo siyaasadaha Amiirka dhaxalsugaha ah.

 

Source: BBC Somali

COMMENTS
LINKS