“Qolyaha Mujaahid Ka Xanaaqoow Halganku Muu Dhamaan, Ee Maantaba Taariikhda Waad Gali kartaa, Oo Halgankii Waa Socdaa” Dardaarankii Fu’aad Aden Cade, | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Qolyaha Mujaahid Ka Xanaaqoow Halganku Muu Dhamaan, Ee Maantaba Taariikhda Waad Gali kartaa, Oo Halgankii Waa Socdaa” Dardaarankii Fu’aad Aden Cade,
October 17, 2018 - Written by Editor:

WAARI MAYSIDE WAR HA KAA HADHO; Fu,aad Aadan Cade(AHN)Qalinkii Muxumed Dhimbiil

Goobtu waxa ay ahayd xabaalaha qaranka ee magaalada Hargeisa, waxa lagu aasayey halyey qaranka Jamhuuriyada Somaliland halgankii iyo dib u dhiskiiba si weyn uga dhex muuqday.

Alle ha u naxariisto e waa xabaashii Muj Xasan Yonis Habane oo ahaa Aasaasihii ciidamada qaranka Somaliland iyo waliba ciidamadii Snm sida ay taariikhdu xusto.

Waxa isugu yimid Somaliland haldoorkeedii siyaasada dhaqanka ganacsiga iyo dhinac kasta oo bulshada reer Somaliland ah.

Maalin adag ayey aheyd oo halyey umadani ku dhaadataa ka baxay, waxa jignaha qaatay oo xabaasha gacantiisa ku qodayey madaxweynaha haatan talada qaranka Jamhuuriyada Somaliland haya Mudane Muuse Biixi iyo ciidamada qaranka Jamhuuriyada Somaliland.

Markii aaskii dhamaaday ee ciida lagu rogay Alle ha u naxariisto e Muj Gen xasan yonis habane ayaa loo duceeyey intaa ka dib ayaa makarafoonka dadkii magaca umadan ku lahaa lala dhex maray si ay tacsi u diraan, intii taqaanayna ay uga sheekayso sifooyinkiisii iyo aqoontii ay isku lahaayeen.

Muj Mohamed Kaahin Axmed wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland oo ah dadka xusuustoodu wanaagsan tahay taariikhdana aanay maalini kaga qaldamin ayaa waxa uu ka sheekeeyey xasan yonis habane, waxaana uu sheegay in uu ahaa nin aad uga da’yar oo yaraan ku hanaqaaday.

fuaad adan cadde

Maxamed Kaahin ayaa waxa uu xusay mucjisooyinkii, hal adaygii iyo dhiiranaantii ku jirtay Alle ha u naxariisto e xasan yonis, waxa uu yidhi markii aanu galaynay dagaalka buuraha ayaa uu Xasan Yonis oo ahaa Abaanduulihii ciidamada SNM markii uu noo dhamaystiray Hubkii iyo saadkii aanu ku dagaal galaynay ayuu na yidhi buu yidhi, dhaqaaqa waxa aynu ka soo wada hadlaynaa radioha ” walktalk” iyo ” Foomiye ” mid uu ahaa mooyaane.

Maxamed Kahin waxa uu yidhi nin la yidhaahdo ” Xasan ” oo magac weyn oo kalena uu ku ladhay iyo in uu naanays ahaydna mooyaane, ayaa Xasan Yonis Alle ha u naxariisto e ku yidhi oo taliye radiogu mee aanu ka soo hadlaynaa?

Waxa uu ugu jawaabay Xasan Yonis waa ka aad iyaga ka furan doontaan, intaa iyo in badan oo uu ka yaqaanay Xasan Yonis Habane ayuu ka sheekeeyey oo xusay.

Muuse Biixi madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu ka sheekeeyey isaguna in uu ahaa Xasan Yonis Habane shaqsi ka yar oo walaalkii Axmed Yonis Habane isku fasal ahaayeen, laakiin ay iskuulka kawada bilaabeen dugsiga biyo dhacay, waxa aad uga sheekeeyey shaqsiyadiisa oo uu aad ugu nuux nuuxsaday qofka uu ahaa Alle ha u naxariisto e Muj Xasan Yonis.

 

Dad badan oo kale ayaa hadlay oo Madaxweyne kuxigeen Axmed yusuf yaasiin in uu ku jiray aan filayo, wasiiro, xildhibaano labada gole ee baarlamaanka ah boqoro, salaadiin, culimaudiin, mujahidiin, ganacsato iyo wax garadkii iyo hal doorkii qarankan Jamhuuriyada Somaliland oo dhan.

Haddaba markii makarafoonkii soo gaadhay isaguna Maanta wuu inaga hooseeyaaye Wasiir Fu’aad Aden Cade oo ahaa shaqsi furfuran kaftan badan oo xaruuri ah, ayaa waxa uu yidhi horta anigu Mujaahid ma aheyn, aqoona iskumaanaan lahayn muj Xasan Yonis ee Alle ha u naxariisto e waxa uu ahaa shaqsigaa taariikhdiisa iyo tacabkiisii qarankaba laga soo sheekeeyey Alle ha u naxariisto ayuu yidhi laakiin waxa aan ku darayaa;

Waar reer Somalilandnow iyo dhalinyarooy halgankii ma dhamaan oo maantaba dalkiinii ayaa in badan oo ka mid ah aynaan gacanta ku hayno ee ogaada oo naf iyo maalba u hura dalkiina, wakhtigaasi oo ciidanka Somaliland aanay gobolada sool iyo sanag bari wada gaadhin ayey ahayd.

Ilaahay ha u naxariisto shuhadadii snm iyo qofkasta caqli, Cilmi, dhaqaale, xoog iyo dhiig ba u huray wanaaga iyo dawladnimada aynu maanta haysano, qofwalbana taariikhdu waxa ay ku xusi doontaa waxii uu ku darsaday halganka dadka reer Somaliland ku jiraan.

Xasuustayda: maalinba maalin baad ku xasuusataa Ilaahay amarkiisa

Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS